Thursday 25 August 2016

Puntland oo amar kasoo saartay gaadiidka rarka ka keena koonfurta Soomaaliya(Akhriso+Dhegeyso)


Garowe-(RBC Radio)-Madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa soo saaray warqad wareegto ah taas oo lagu xusay in laga bilaabo 1/9/2016 ay joojisay dawlada Puntland gadiidkii Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka imaanayey ee sida tooska ah  ugu kala gudbayey guud ahaan dalka.
Afhayeenka Madaxwaynaha dawlada Puntland mudane C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jeceloo oo waraysi siiyey Radio Garoowe ayaa sheegay guud ahaan gadiidka kaladuwan ee u raran Puntland inay rarka  ku dajinayaan magaalada Gaalkacyo kadibna ay ku wareejiyaan gadiidka kale.
Sidookale dowladda Puntland ayaa joojisay gadiidka qaadka ka keena koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaas oo Gaalkacyo ka soo gala koonfurta waxaana wareegtada lagu sheegay inaysan jiri karin gaari qaad ka keena dhanka koonfurta inuu soo galo gudaha magaalada Gaalkacyo.
Wareegtadan oo shalay ka soo baxday Xafiiska Madaxwayne ku xigeenka ayaa maanta waxaa saxaafada u akhriyey Afhayeenka Xukuumada Puntland Cabdulaahi Jaamac Quraan jecel.
Akhriso Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka.
jaamac - Copy
Halkaan ka dhegeyso afhayeenka dowladda Puntland.

Audio Player

____
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...