Sunday 21 August 2016

Ururka al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo


4
Muqdisho (RBC Radio) Ururka al-Shabaab ayaa goor dhow sheegtay inay fuliyeen labo qarax oo ka dhacay xarunta dowladda hoose iyo suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo,sida lugu baahiyay warbaahinta taageerta kooxda.
Kooxda waxaa ay ku sheegen warka ka soo baxay in weerarka ay fuliyeen dagaal-yahannada ay ugu yeeraan guutada Istish-haadiyiinta.
“Weerarka waxaa fuliyay xarakadda al-Shabaab,'”ayaa lugu baahiyay warbaahinta al-Shabaab. “Soddon ka tirsan mas’uuliyinta iyo askarka Puntland ayaa ku dhintay labada qarax,”ayaa lugu daray warka ka soo baxay ururka oo ku xooggan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ugu yaraan labtaan ruux ayaa la sheegay qaraxyada inay ku dhinteen,waxaana isbitaalka guud ee Gaalkacyo la garsiiyay dhaawacyo ka badan soddon ruux,sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
al-Shabaab ayaa horay u sheegtay weerarro ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo
al-Shabaab ayaa horay u sheegtay weerarro ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo
Dadka dhintay waxaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka degmada Gaalkacyo,halka ay jiraan tiro kale oo ka mid ah askarta dowladda hoose iyo dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa Dayax oo waqtiga mashquul ahaa.
Labada qarax ee ka dhacay suuqa Dayax iyo Xarunta dowladda hoose,waxaa lugu sheegay midkood in loo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay,kaaso ku qarxay darbiga xarunta dowladda hoose.
Bur bur xooggan ayaa soo gaaray suuqa Dayax iyo xarunta dowladda hoose,sida laga arkayay muuqalo lugu baahiyay baraha bulshada,weerarka marku dhacay kaddib.
Dowladda dhankeeda wali wax war ah kama soo bixin,waxaanna ciidamo badan la geeyay goobta ay qaraxyadu ka dhaceen,halka oo ay baaritaanno ka socdaan.
Qaraxyadan dadka deegaanka waxaa ay ku sheegen kuwii ugu xooggana oo ka dhaca Gaalkacyo dhowrkii sanno ee ugu dambeysay,waxaana ay ku soo aaden xilli ammaanka magaalada la sugayay oo ciidamo dheerad ah ay howlgallo ka fulinayeen.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...