Muqdisho(SONNA)-Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo,katiinada Maxaabiista lagu xiro ,Dhar ,koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibadbaxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay Taliska ciidanka Asluubta waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Kaiin Cali Afrax oo ay wehliyeen Saraakiil ciidanka Asluubta ka tirsan.
Gen Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xiggeenka Koowaad ee ciidanka Asluubta oo Warbaahinta la hadlay ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta isagoo tilmaamay in Qalabkan Maanta lagu Wareejiyey ciidanka ay u Baahnaayeen islamarkaana uu ka haqabtiri doono dhinacyo badan.
Korneel Bernardo Mencraglia oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidamada dalka Soomaaliya.
Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada sida gaarka ah u caawiyo Soomaaliya waxaana ay inta badan ka qeyb qaadataa Taakuleynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dhismahooda.
W/D:-Abdulkadir
No comments:
Post a Comment