Monday 29 August 2016

Qasaare ka dhashay Dhisme Dabaq ah oo Caawa ku dumay Degmadda Shangaani


 
31
 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA):–Degmada Shangaani ee Gobalka Banadir ayaa waxaa Caawa ku dumay Dhisme laba Dabaq ah oo ay daganaayeen Dad shacab ah ,waxaana halkaas ka dhashay dhimashada labo qof oo uu ku jiro Ilmo yar .
Ciidamadda Booliska iyo Kooxaha Gormadka Deg Dega ee Gobalka Banadir oo halkaas gaaray ayaa dhismaha Hoostiisa ka soo saaray meedadka Ilmo yar iyo Hooyadiisa ,waxeyna sidoo kale ku guuleesteen in halaas ay ka soo saaraan Afar qof oo bad qaba .
Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg Dega ee Gobalka Banaadir Mudane C/laahi Maxamed Sanay ayaa SONNA u sheegay in meeshaas caawa ay ka dhacday dhibaato xun ayna ka soo saareen dhismaha dumay hoostiisa Meedka Hooyo Magaceeda lagu sheegay Xabiibo  iyo Cunug yar ay Dhashay,islamarkaana ay Dad kale oo bad qaba ay halkaasi ka soo saareen .
“Cawa meeshan waxaa ka dhacday mashaqo Xun waxaana soo dumay Dhisme laba dabaq ah waxaana ka dhashay dhimashada Ilmo Yar iyo Hooyadii oo jiifay guriga, waxaana sidoo kale ka soo saarnay dhismaha Afar bad qabta,  “
Agaasimaha Waaxda Gurmadka deg dega  ayaa sidoo kale sheegay Dhismaha Dumay Caawa in uu ahaa Gurigii Madbacadda Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybtii la dhigi jirey Matoorada oo ku taala Degmada shangaani ee Gobalka Banaadir.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...