Thursday 18 August 2016

Shirka Khamiislaha ah ee Jubbaland oo maanta looga hadlay qodobo muhiim ah (Sawirro)


Kismaayo (RBC Radio) Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin
Hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanku ansixiyeen.
Golaha Xukuumadu waxaa ay soo dhaweeyeen Ansixinta Golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen
In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisahan iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda .
Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada.
Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.
S09A0652 S09A0655 S09A0656 S09A0657 S09A0670
……………………DHAMAAD ……………………….
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND EE SOOMAALIYA.


    RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...