Sunday 14 August 2016

Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Puntland oo dil ku fulisay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada(Dhageyso)


Col Cabdikariin Xasan Firdhiye
Col Cabdikariin Xasan Firdhiye
Garoowe(RBC Radio) Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Gaashaanle dhexe Caydaruus Daahir Awaare kaasoo kamid ahaan jiray Saraakiishii ciidanka Daraawiishta ee Puntland.
Toogashada sarkaalkan lagu fuliyey ayaa ka danbeysay kadib markii uu sarkaalkan uu toogtay laguna helay in uu dil bareer ah u geystay laba Xidigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo kamid ahaa ciidamada Puntland.
Kiiska dilka ayaa dhageysigiisu ka soconayey muddooyinkan Maxkamada taasoo markii danbe lagu helay danbiga uu geystay iyadoona Maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada ciidamada Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka sarkaalka sidii diinta qabtay loo fuliyey maadaama uu dil geystay.
Hoos ka dhageyso codkiisa Xeer ilaaliyaha

Audio Player

____
RBC Radio
Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...