Ankara(SONNA)- Kadib markii labada dal Ruushka iyo Turkiga ay xal ka gaareen, khilaaf xagga dibolomaasiyadd ah, oo hakad geliyay safaradii dalxiisayaasha labada dal ay isaga gooshi jireen, ayaa waxaa maanta dalka Turkiga ka degtay Diyaaradii u horeysay oo sidday 180 Dalxiisayaal u dhashay waddanka Ruushka.
Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Faransiiska, Dalxiisayaashaasi Ruusha ah, ayaa la geeyay magaala Xeebeeddka loo dalxiis tago ee Turkiga oo lagu magacaaboIndhaaliya, oo muddo 8- bilood ah wax dlxiisayaal ah oo ka socod Ruusha halkaa tagin.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishii tagtay sheegay,in ay labada dal Turkiga iyo Ruushka ku heshiyeen in dib loo bilaabo safaradii dalxiisayaasha, kadib markii ay heshiis ku gaareen hogaamiyeyaasha Turkiga iyo Ruushka,khilaaf dhinaca dibolomaasiyadda ah ee u dhaxeeyay in muddo ah.
-Mukhtaar-


No comments:
Post a Comment