Saturday 30 July 2016

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo beeniyay inay aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland


by A M Saturday, Jul 30, 2016 | 6258 views
July 30 (Jowhar)— Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Safaaradda Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, isagoo kaga hadlay qaababkii dowladda Turkiga uga fal celisay isku daygii afgambiga ee fashilmay.
Amb. Olgan Bekar ayaa ugu horeyn ka warbixiyay isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga 15-kii bishan iyo qaababkii uu u abaabulnaa, isagoo tilmaamay inay ka dambeysay isku daygaas Koox argagixiso ah oo uu magaceeda ku sheegay FETO.
Safiirka Turkiga ayaa uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya tallaabada ay qaaday ee ay ku cambaareysay isku daygaas afgambi, sidoo kale waxaa uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen, ugana muragoodeen wixii dhacay 15-kii July.
“Waxaan dowladda Soomaaliya uga mahad celinayaa tallaabadii ay ku cambaareysay isku daygii afgambiga ee ay maleegayeen koox argagixiso oo lagu magacaabo FETO, isku daygaas wuxuu u abaabulnaa qaabab kala duwan”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.
Mar Safiirka wax laga weydiiyay sida laga yeelayo howlihii ay dalka ka heysay Hey’adda Nile Organization ee dalka laga ceyriyay waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ka wada shaqeynayaan sidii howlahii ay heysay loo sii wadi lahaa.
“Anaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay maalmaha soo socda ay soo saari doonaan xilliga dib loo furi doono Iskuuladii ay gacanta ku heysay Hey’adda Nile ee dalka laga ceyriyay, waxaana uu u cadeeyay ardaydii dhiganeysay in waxbarashadooda ay sidooda u wadan doonaan.
Amb. Olgan Bekar ayaa sheegay in Isbitaalka Deva dib loo furi doono 2-da bisha Agosto, isagoo intaa ku daray in howlihii uu hayay Isbitaalka uu halkiisa ka sii socon doono.
Waxaa uu sheegay in Bukaanadii horay ugu jiray Isbitaalka Deva ay ku wareejiyeen Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan (Ex Digfeer).
Safiirka ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta Somaliland ee ku aadan inay aqoonsadeen Baasaboorkooda, maadaama ay wada hadalo u socdaan oo ku saabsan inay deegaanadooda ka ceyriyaan Hey’adda Nile ayuu sheegay in arrintaas aanay waxba ka jirin.
“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, anaga Soomaaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Soomaaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Soomaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin sida kaararka aqoonsiga oo kale ee ID CARD, isagoo xusay in qunsuliyadooda Hargeysa ay ku bixiso Viisaha Warqad sida uu hadalka u dhigay.
Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Ardayda Soomaaliyeed ku heysato dalka Turkiga, markii uu afgambiga dhacay, gaar ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee dhiganeysay Jaamacadaha ay maamulayeen Hey’addaha taageera Fethullah Gulen ayuu kaga jawaabay in ardaydaas aysan wax dhib ah arki doonin, isla markaana loo gudbinayo jaamacado kale oo dowladda hoos-taga.
“Jaamacadaha Gullen waa xirnay, dowladda ayaa go’aan ka gaartay, ardaydaas waa la wareejinayaa jaamacado kale ayaa loo wareejinaya wax dhib ah ma arkin doonaan, waxaa arintan si dhow ugala shaqeyneynaa Safaaradda Soomaaliya ee Ankara”ayuu yiri Amb. Olgan Bekar.
Shirkan jaraa’id ayaa ahaa kii u horeeyay ee uu Safiirka ku qabtay Xarunta Safaaradda Cusub ee Turkiga ku leeyahay magaalada Muqdisho, taasoo uu bishii la soo dhaafay xariga ka jaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
DSC_0870DSC_0928

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...