Tuesday 26 July 2016

Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay iyo AMISOM oo lugu dilay weerarkii Muqdisho (Dhagayso)


7
Muqdisho (RBC Radio) Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo maanta ka dhacay irida laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xarunta Xalane,sida lugu sheegay war ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya.
Qaar kamid ah ilaalada hay’ada Qaramada Midoobeey ayaa la sheegayaa inay kamid yihiin dadka qaraxyada ku dhintay iyo askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM,illaa 20 ruux oo kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyada mid kamid ah waxaa lagu dhuftay derbiga dhismaha AMISOM, midna wuxuu ka dhacay bar koontorool oo laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga Soomaaliya,Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo weerarka sharaxaad ka bixiyay wuxuu sheegay ciidamada inay iskudayeen ka hor-taga gaariga qarxay,isagoo marka caddeeyay weerarka in lala damacsana meel ka baxsan garoonka diyaaradaha.
3
“Gaadiidka qaraxyada lagu fuliyay waxay ahaayeen laba gaari oo midkood uu ahaa gaari weyn, halka midka kalena uu ahaa gaari yar. Gaariga weyn waxaa lagu joojiyay kootarool ay ciidamada Nabad-sugidu ku sugnaayeen, laakiinse wuu soo jiiray ciidamaduna way xabadeeyeen,”
“Baabuurku wuxuu ku qarxay inta aanu gaarin albaabka weyn ee laga galo Xerada Xalane, Waxaana ku geeriyooday 11-qof oo ahaa ciidammo shirkadaha amniga suga hoos-taga oo ku sugnaa meel ku dhaw halka uu Qaraxu ka dhacay.” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar.
Dowladda Marekanka ayaa sidoo kale cambeereysay weerarka oo caasimadda Muqdisho ka dhacay xilli hore oo maanta ah,sida lugu sheegay war ka soo baxay xafiiska Marekanka ee Soomaaliya.
“Mareykanku waxa uu cambaareynayaa weerarkii maanta lagu qaaday gegida diyaaradaha ee Aden Abulle Airport.Waxaan ka taciyeenaynaa dadkii weerarkan naxariis darada ah lagu dilay ee isugu jiray Soomaali,hay’adaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM,”ayaa lagu yiri qoraalka.
Mareykanku waxa uu qoraalkan ku sheegay in al-Shabaab aysan guuleysan doonin uuna sii wadi doono taageerada uu siiyo laamaha amniga ee Soomaaliya si ay uga guulaystaan al-Shabaab usoo celiyaan xasiloonidii isla mar ahaantaana uga qayb qaataan dib udhiska dal amni ah oo barwaaqo ah.
Xoghayaaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa isna qoraal ka soo baxay waxuu ku sheegay inuu dhaleeceynayo weerarka isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo saaxibadda kuwii ku geeriyooday.
Ban Ki Moon wuxuu u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay qaraxyadan caafimaad deg deg ah.
Warkan qoraalka ah ayuu ku sheegay Ban Ki Moon in uu dib ugu xaqiijinayo shacabka Soomaaliyeed in falalka guracan ee sidan oo kale ah ee ay argagixisadu geysaneyso aysan marnaba wiiqi doonin taageerada Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladoodda, dadaalka ay ugu jireen soo celinta xasiloonida iyo nabadda Somalia.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay markii inay weerarka fuliyeen,sida ay baahisay idaacadda afka ururka ku hadasha oo soo xiganeysa afhayeenka howlgalla Cabdicaziiz Abuu Muscab.
Hoos ka dhageyso wasiirka amiga Soomaaliya oo weerarka sharaxaya

Audio Player

1425
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...