Wednesday 20 July 2016

Doorashada Soomaaliya oo laga cabsi qaba inay dib u dhacdo


Madaxweyne,Xasan dhowr mar waxuu sheegay doorashada inaysan dib u dhaceyn
Madaxweyne,Xasan dhowr mar waxuu sheegay doorashada inaysan dib u dhaceyn

Muqdisho (RBC Radio) Doorashada guud ee dalka ayaa xilliga ay billaabayno waxaa ka dhiman wax ka yar toban maalin,hadana ma muuqato wax diyaar garow ah oo doorashada la xiriira.
Dowladda Soomaaliya ayaa soo gudbisay jadwalka doorashada dhammadka bishii hore,waxaana marka la sheegay in labataanka bisha October la qaban doono soo xulista golaha sare ee baarlamaanka oo ka imaanaya maamul-gobolleedyada- (Maamul Beeleedyada ).
Waxaa kalo jadwalka lugu muujiyay in bisha November marka ay tahay labaatan la soo xulayo xubnaha golaha baarlamanka 2016 oo ay soo xuli doonaan ergooyinka beelaha oo ayna ansaxin doonaa maamul gobolleedyada.
Doorashada madaxweynaha ayaa dhacaysa labaatanka bisha ugu dambeysa sanadka ee December.
Muddada kooban oo doorashada ka dhiman,hadana dalka kama muuqato wax diyaar garoow ah,taasina waxay xoojisay walaacii horay looga qabay dib u dhac ku yimaada doorashada.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa dhowr mar lugu eedeyay inay u gogol xaareyso waqti kale oo ay dalka ka sii taliso,walow dhowr mar uu hadalka diideyay madaxweyne,Xasan Sheekh oo marka bulshada tusay dowladiisa inay dooneyso doorashada oo ku dhacda xilliga horay loo qorsheeyay.
Sarkaal sarre oo dowladda ka tirsan ayaa u sheegay Raxanreeb,dowladda inay mar walba dooneyso doorashada oo dalka ka dhacda,hadana ay wali jiraan caqabado,walow uu marka diidey inuu wax ka sheego caqabadaha sahlaya dib u dhac inuu doorashada ku yimaado.
“Doorashada dowladda waxay dooneysa inay xilligeeda ku dhacdo,hadana waxaa imaan karta cilado farsamo,”ayuu yiri sarkaal madaxtooyadda ka tirsan oo Raxanreeb la hadlay.
Dowladda waxaa ay ka murugsan-tahay in gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan maamul loo dhisin,sida uu sheegay sarkaalka madaxtooyadda u hadlay,waana mid ka mid ah caqabadaha wali taagan.
Musharrixinta ka qayb-galaya doorashada ayaa horay u sheegay inay diidi doonan haddii ay dhacdo dib u dhac ku yimaada doorashada,waxaa ay sheegen dowladda hadda jirta in laga doonayo sidii loo dadajin lahaa diyaarinta doorashada.
Beesha caalamka ayaa dhankeeda horay u caddeysay mowqifka doorashada oo ay marka ugu baaqen dowladda inaysan marna iskudayin waqti loo kordhiya,kaaso ku imaan kara doorashada oo dib u dhacda.
Wada-tashiyadii ugu dambeysa ayaa la filaya ka hor waqti doorashada inay Muqdisho ku qaatan madaxda faderaalka iyo kuwa maamullada dalka oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay yeelanayay shirar wadatashi oo doorashada looga hadlayay.
Ugu dambeyn,dadka falan-qeeya siyaasadda ayaa sheegay markii horaba dowladda inaysan aadin dhabo dadajinaya doorashada inay waqtigeeda ku dhacdo,ayna wax caadi ah noqonayso haddii ay dib u dhacdo,maaddama markii horaba an la isku diyaarin.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...