Sunday 24 July 2016

Madaxweynaha Puntland oo u sheegay bulshada Gaalkacyo in la joogo waqtigii ay wada-jir uga shaqeyn lahaayeen amniga iyo horumarka


IMG_9606Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku war-galiyay bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug in la joogo waqtigii ay iyagu wax-qabsan lahaayeen.
Waxuu sheegay madaxweyne Cabdiweli in dowladda ay waqti badan galisay Gaalkacyo waxbadana loo qabtay,balse hadda laga doonayo shacabka inay iyagu wada-jir uga shaqeeyaan amnigooda iyo horumarka deegaanka.
“Hadda waxaa la jooga waqtigii ad wada-jir uga shaqeyn laheydeen nabad-galyadiina iyo horumarkiina,”ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli. “Dowladda waxay waqti-galisay magaalada Gaalkacyo,balse maanta oo la jooga reer Gaalkacyoodka ayaa looga bahan-yahay inay wax-qabtaan,”ayuu ku darey hadalkiisa.
Madaxweynaha waxuu hadalkan ka jeediyay munaasabad Sabtidii shalay lugu doortay guddoomiyaha cusub ee degmada iyo ku-xigeenkiisa,waxuuna marka u rajeeyay ragga dhallinyarada ah ee ku guuleystay hoggaaminta degmada inay ka soo dhalaalan shaqada ay qabanayaan.
Madaxweynaha ayaa la filaya inuu soo gaba-gabeeyo booqasho wax ka badan labo toddobad qaadatay oo u ku joogay magaalada Gaalkacyo,taaso ka dambeysay markii falal amniga wax u dhimayay iyo dilal ay magaalada ku soo laab laabteen.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...