Wednesday 20 July 2016

Xog-hayihii gaashaandhigga ONLF oo la dilay


3D219C51-1E89-4ED2-9754-B7E5547F92F0_w987_r1_s
Muqdisho (RBC Radio) Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in xog-hayahoodii gaashaanshigga uu ku dhintay iska horimaad maalintii Isniinta ee toddobaadkan ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu magacaabo Ceel-Gaabta.
Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF oo lugu magacaabo,Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in xog-hayaha la dilay oo lagu magacaabo Sheekh Deeq Maxamed oo ay marka la dhinteen laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF,sida ay baahisay idaacadda VOA-da.
Waxuu inta ku darey sarkaalka u hadlayay ONLF afar xubnood oo kale la qabtay, waxana uu sheegay in dagaalka lagu dilay mas’uuliyiinta ururka ay ka qayb galeen ciidamo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.
Wararka ay idaacdada VOA ka heshay dad deegaanka ah ayaa sheegaya in xubin kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta ONLF ay maleeshiyada ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ay ku qabteen magaalada Matabaan kadibna ninkaasi loo gacan geliyey dawladda Itoobiya.
Xubnahan ka tirsan ONLF ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayna wateen baabuur kaasi oo cilladi ka gashay ka hor intii aan iska horimaadku dhicin.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Suna waljamaaca oo gacanta ku haya degmada Matabaan.
Mas’uuliyiinta maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dhankooda ka gaabsadey inay ka hadlaan dhacdadaan,kaddib markii ay warbaahinta la xiriirtay.
Ururka ONLF waxuu sheegay inuu u dagaallamayo xoriyadda Soomaalida ku nool dhulka ay Itoobiya maamusha,walow hadda deegaanka Soomaalida uu ka mid-yahay kuwa ugu horreeya dhinaca nabad-galyada iyo horumarka.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...