Wednesday 20 July 2016

Baarlamaanka Puntland oo kala diray xubnaha Maxkamada sare ee Puntland


IMG_3352
Garowe-(RBC Radio)-Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku diiday digreeto Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waqtiga ugu kordhiyey xubnaha Maxkamada sare ee Puntland mudo afar bilood ah kadib markii uu waqtigoodii dhamaaday.
Barlamanka ayaa dood dheer ka sameeyay in la aqbalo codsiga madaxweyne Gaas ku doonayay inuu mar labaad waqtiga u dheereeyo guddigaasi dood dheer kadib ayaa baarlamaanku waxaa uu u codeeyey inay baneeyaaan xafiiska.
g
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Barlamanka ahna ku-simaha Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay inaysan helin codkii sharciyayn lahaa inay sii joogaan xafiiska [35 cod], waxayna sidaasi ku waayeen digreetadii madaxweynaha.
Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Wasiirka Cadaalada Puntland uu sheegay in dib u habayn lagu samayn doono garsoorka Puntland iyadoo laamaha garsoorka Puntland lagu dhaliiyay gaabis dhanka shaqada ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa laga sugayaah inuu soo magacaabo xubnaha Maxkamada sare ee Puntland oo ka kooban 5 xubnood,gudoomiye,gudoomiye kuxigeen iyo 3 garsoore.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...