Tuesday 26 July 2016

Diyaarada Turkish Airlines oo maanta Rakaab la’aan ka duushay garoonka diyaaradaha Muqdisho


by A M Tuesday, Jul 26, 2016 | 2109 views
July 26 (Jowhar)— Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maanta si deg deg ah uga duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib qaraxii xoogganaa ee ka dhacay nawaaxiga garoonka.
Howlihii garoonka ayaa waxooga hakad galay, markii qaraxa dhacay, iyadoo diyaarado qaar oo hawada ku soo jiray ay soo dageen, kuwana ay ka dib dhaceen saacadihii ay soo degi lahaayeen.
Diyaarada ayaa rakaab la’aan duushay, iyadoo rakaabkii sugayay ee raaci lahaa saacado ku xanibnaayeen garoonka, iyagoo dib isaga laabtay.
Qaraxa ayaa dhacay wax yar kadib markii Diyaarada Turkish Airlines ay soo caga dhigatay, waxaana si lama filaan ah Duuliyeyaasha ay uga kiciyeen garoonka dhabaha ay ku cararaan diyaarada.
Mid ka mid ah rakaabkii maanta oo isniin ah raaci lahaa duulimaadka Diyaarada Turkish ayaa sheegay in markii uu dhacay qaraxa uu xaalad jahwareer ah uu ku yimid.
Qaraxa ayaa la sheegay in khasaare xooggan u geystay qeyb ka mid ah Garoonka diyaaradaha, gaar ahaan qeybta VIB-da, sidoo kale muraayadaha garoonka ee Terminalka cusub ayaa qaarkood daatay.
Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee caalami ah ee duulimaad toos ah ku timaada magaalada Muqdisho, bishii Febraayo ayay aheyd markii diyaarada ay hakisay duulimaadkeeda, kadib qaraxii lala eegtay Diyaaradda Daalo, hase ahaate waxay dib u bilowday bishii May.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...