Tuesday, 26 July 2016

AMISOM oo ka hadashay qaraxyo lagu soo weeraray Xalane


 
450
 
0
SHARE 
Muqdisho (SONNA)-Afhayeenka AMISOM Joseph Kibet ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu soo weeraray ilaa iyo labo qarax, balse sida uu sheegay laga hortagay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in u jeedka qaraxyadaan ay ahaayeen in laga fuliyo gudaha xerada Xalane balse aaney suura galin taasi, oo ciidamadu ay fashiliyeen.
Waxa uu sheegay Joseph Kibet afhayeenka AMISOM in qasaaraha ka dhashay qaraxyada lagu soo weeraray dib ay kasoo sheegi doonaan.

No comments: