Tuesday 12 July 2016

Al-Shabaab oo bandow ku soo rogtay magaalada Marka


Dagaal-yahanno ku sugan gudaha magaalada Marka/Sawir hore
Dagaal-yahanno ku sugan gudaha magaalada Marka/Sawir hore
Muqdisho (RBC Radio) Bandow inta uu soconayo aan la ogeyn ayaa lugu soo ragay magaalo xeebedka Marka oo xarun u ah goblka Shabeellaha hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in xalay magaalada bandow ahayd,kaddib amar ka soo baxay ururka al-Shabaab oo shalay la wareegay magaalada Marka.
Saraakiil ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa dadweynaha kula hadlayay baabuur cod baahiyeyaal ku rakiban, iyagoo ku war-geliyay in magaalada bandaw tahay, lana soo celinayo amniga.
Ciimada millitariga Soomaaliya oo fariisimo ku lahaa magaalada Marka ayaa si iskood ah isaga baxay magaalada galinkii dambe ee shalay,lamana ogga sababta ka dambeeya ka bixitaanka ciidamada magaalada muhiimka ah ee Marka.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iyagu wali ku sugan duleedka magaalada ee deegaanka Ceel Jaalle,halkaas oo ay markii hore deganaayeen,sida uu sheegay guddoomiyaha deegaanka oo saxaafadda la hadlay.
War ka soo baxay maamulka Konfur-galbeed oo ay ka mid tahay Marka deegaannada ka tirsan ayaa sheegay in ciidamo boolis ah ay geyn doonaan magaalada Marka, si aysan mar kale u soo laaban in ciidamada dowladda ay marna ka baxaan marna galaan.
Bishii Febraayo ee billowgii sanadkan ayaa sidan oo kale ciidamada dowladda waxaa ay isaga baxeen magaalada Marka,xilliga oo ay si nabad-galya ah magaalada ula wareegeen ururka al-Shabaab.
Marka waxaa ay 90-Km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan-tahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,halkaaso dhawaan la filayo in lugu qabto doorashada madaxweynaha.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...