Sunday 17 July 2016

Wasiiro ka tirsan Dowladda gobolledka galmudug oo ku geeriyooday Shil Gaari.



 
399
 
0
SHARE 
Gaalkacyo SONNA:- Shil Gaari ay ku geeriyoodeen Wasiiro ka tirsan Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa ka dhacay Gobolka Mudug gaar ahaan inta u dhaxaysa Bandiirad leey iyo Sadex Higo.
Wasiirada la xaqiijjiyay in ay ku geeriyoodeen shilka ayaa kala ah Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Dowladda Galmudug Baashe Magan, Wasiiru-dawlaha hawlaha Guud, Aways Cali Siciid, iyo  Nabadoon Cabdulaahi Yusuf Guuleed, iyo nin ka mid ahaa ilaaaladooda.
Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada iyo maamulka  Gobolka Mudug Axmed maxamed shire qoodar, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Sonna U sheegay in shilka gaari ay ku geeriyoodeen wasiirada iyo Nabadoonka uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya bandiiradleey iyo Sadex Higo ee Gobolka Mudug.
Wararkeena danbe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii ku soo kordha insha alaah
SONNA News

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...