Saturday 12 March 2011

Ciidamadii Ethopianka oo ka Baxay Dhuuso Mareeb

Muqdisho ( Bbc Radio) Wararka ka imaanaya gobalka Galgduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta magaalada Dhuuso-mareeb ay ka baxeen ciidamadii Ethopianka ee maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegayay in ay arkayeen ciidamo Ethopian ah oo magaalada ka siibayay kuwaasi oo watay gaadid dagaal.
Ciidamada ka baxay magaalada Dhuuso-mareeb ayaa waxaa lasheegayaa in ay u anbabeen degmada Balanbal ee gobalka Galgduud ee bartamaha Soomaaliya.
Lama oga sababta keentay in ciidama da Ethopia ay isa baxaan magaalada dhuuso-mareeb, ilaa iyo iminka m jirto wax war ah oo ka soobaxay saraa kiisha ciidama Ethopia.
Wararka ayaa iminka Dhuus-mareeb waxa ay sheegayaan in magaaladaasi ay ku suganyiin ciidamo katirsan kuwa Ahlu Suna Waljamaaca.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa gobalkaasi waa ka jiray dagaalo u dhaxeey Al- shabaab iyo kuwa Ahlu suna Waljamaaca, waxaana bixitaanka ciidamadaan uu imaanayaa xili ay gobalka ay wali ka jiraan xiisado dagaal.
RBC Radio
xafiisaka wararka muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...