Qoraaga Ow Jaamac Cumar Ciise buugiisa qaran jabkii Soomaaliya waxaa ku jirta sheeko ku saabsan qaabkii loo dilay madaxwaynihii hore ee Soomaliya Cabdirashid Cali Sharmaarke waxuuna qoraagu u bilaabay sheekada sidan: Qiyaastii laba bilood ka hor dilkii Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaan goor subax ah suuqa Xamar weyne bartamihiisa waxaan ku kulanay Allaha u naxariiste mufti magaciisa la oran jirey Sheekh Maxamed Ciise”Guduri” waxuuna igu yiri isagoo iska dhigaaya in xagga eebe la gala hadlay ama samada kore looga waramay “Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa la dilaya mudda aan dheerayn xukunka Soomaaliyana waxaa qaban doona nin magaciis la yiraa Maxamed , ninkaas haduu diinta islaamka kor u qaado kuna camal falo , dalkana ku dhaqo waxuu noqon doona dayax afar iyo tobnaad ah oo dalka u soo baxay , taariikhdiisuna waxay ahaan doonta tii waligeed la xuso , haduuse diinta ka beyro oo uu ku dhaqmi waayo waxuu noqon doona xidig naaf madow ah oo Soomaaliya u soo baxay , waxuuna reebi doona taariikh madow iyo cirib dambeed xun, waxaana imaan doona in qofkii magaciisa laga maqlo la dilo hadalka iga qor waadigii taariikhda qori jirey”. Anigo Sheekhaas hadalkiisa rumeysnayn cilmi ahaana ogolyn , waxaan ku guntay maskaxda , Soomaali wax ma qortee maskaxday wax ku haysaa, maxaa yeelay maskaxdu waa xasuus qor wax keydisa oo markii loo baahdo la qoro.
Bishii Oktoobar bilowgeedi 1969kii madaxwayne Cabdirashiid waxuu bilaabay inuu ku soo wareego gobolada dalka gudihisa qaarkood, gaar ahaan magaalooyinka kala ah Caluula, Boosaaso, Hargeysa, Burco, iyo Laas Caanood, taasina waxay ahayd xeer jira in madaxwaynuhu labadii sanaba mar tago gobolada, mana jirin xilli go,an oo lagu beego tegidiisa, waxaana sii raacay gudoomiyihii baarlamanka (Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen), sida runta ahna xilligaas siyaasada dalka waxaa ogaaminayey qabiil iyo nin jeclaysi , xidid iyo xigaalo. Waxaa jiray 88 xisbi oo kala magac ah , inkastoo badankood markii danbe isugu leexdeen S.Y.L, dadka badankiisu ma jecleyn xisbiyada badan waayo dadku waxuu u qaybsana qayb dherigu dabka u saran yahay oo dhibaatada aan waxba ka ogeyn iyo kuwo dhibaato iyo jahwareer dareemayey.
Maalmihii Cabdarashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ayaa odoyaal qabiilka iwaaqroon ah oo dowlada dulmi ka tirsanayey magaalada Muqdishana ka fogaa waxay u
sheegen arrimo eed sheegad ah iyo waxqabad la,aan, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka arrimaha gudaha ayaan arjigiina u gudbinaya, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamed Cawad ayaa gabay Haanfiil ah oo uu geerida madaxwaynaha ku yu’anaayo tiriyey waxuuna yiri:
Run Ilaah Rashiidoow ma
tihid kii Ilaah rabaye,
Soomaali baad kala rartay
oo reerba meel dagaye,
rafaad noqotay dunidii
markii Ray lagaa dhigaye,
kol hadaad Ra,iis sida
Jamaal laguugu raacaynin,
rucbi kugu dhaca iyo cudur
xunoo raarta kula jiifa,
Ruush iyo midaan laga
daweyn Rooma iyo Kiinya,
kursigoo kula ruxda iyo
ciidankoo talada kaa riixda,
Rabbi waxaan baryaaya
inaadan raagin oo jirine.
Laba maalmood ka hor imaantinkii madaxwaynaha ayaa magaalada Laascaanood waxaa la geeyay ciidan nabadgalyadiisa ilaaliya laguna aaminay, 11 subaxnimo 17/10/1969 kii markii uu guriga oogu talagalay uu tagay ayaa askari booliiska nabadgalyadiisa ilaalinayey ka mid ahaa si sahal ah rasaas ugu furay, waxaana bar bar taagna oon wax ku noqon gudoomiyihii baarlamanka oo la socday, wax lala yaabo waxaa ah in madaxwaynihii Jamhuuriyada si sahal ah loo dilay taasoo kale waa tan umadda Soomaliyeed kala gaabisay oo u qaybisay qabiil iyo qabiil.
Iyadoo C/rashiid geeridiisi ay haatan ka soo wareegtay 41 sano lama oga dilkiisi cida ka danbaysay iyo sabab loo dilay midna, maalintii eedeysanihii maxkamada badbaadu ay dilka ku xukuntay , xeer ilaaliyihi guud waxuu yiri”Dambiilaha xukunkiisa waa fulinayana, hase ahaate dambi baarista waa sii wadeyna, hadalkaa waxaa laga Fahmay inaan dowlada kacaanku doonayn in dilka C/rashiid baaris rasmi ah ku sameyso, waayo mar haddii gacan ku dhiiglihi la dilay side dambiga baaristeeda loo sii wadi karaa? yaa wax la waydiinaya? 20kii Oktoobar 1969kii markii madaxwaynaha aaskiisi laga soo noqday ayaa gudoomiyihi baarlamanka oo si ku meel gaar ah hawsha u sii hayey sida uu qabey dastuurku jamhuuriyada Soomaliya waxuu isagu yeeray kulan deg deg ah xubnihii baaralmanka oo ka tirsana xisbigii S.Y.L oo markaa ahaa xisbiga talada dalka haya,si loogu gogol xaaro doorasho madaxwayne cusub.
Sidoo kale madaxda iyo maamulka dowladu ma filayn in ciidamada dhexdooda dhaq dhaqaaq qarsooni ka socdo oo ku talo jiray inay dowlada afgembiyaan ka jiro waayo?xilligaas dalka taladiisu waxay gacanta ugu jirtey xisbi baarlamaniga ahaa,ciidamadana waxaa la geliyay heegan geeridi madaxweynaha darteed si ay wixii qalaan qal uga hor tagaan , taa ayeeyna ugu gambadeen inay inqilaab sameeyan , xilligaana dhibaato ka weyn maamul xumo dalka kama jirin, hase ahaate waxaa jiray cabasho qodobka 10aad.
Xiggasho: Aw-Jaamac Cumar Ciise,1994, Qaran-Jabkii Soomaaliya:
No comments:
Post a Comment