Wednesday 23 March 2011

Falcelis: Sirta SSC Heshay: Been Casriyaysan!!

Wq. Cali M. Cartan
March 23, 2011

Hubsiimo Hal Baa La Siistaa
Hiilka qoraa Maxamed Baashe X. Xasan u muujiyey masuuliyiinta maamul beeleedka ‘Somaliland’ waa mid taban. Wuxuu si ka fiirsho la’aan ah u beeniyey  waraysiyada loogu magac daray Sirta SSC-du Heshay ee lagu baahiyey mareegaha internetka qaar ka mid ah. Mudane Maxamed ma aanu soo bandhigin sababo faahfaahsan oo akhristuhu ku qanci karo, kuna beenin karo warbixinahaas oo aan ka ahayn in ay jirto aalad codka lagu bedbedeli karo oo la macno ah qori qori ku taag. Qaybaha danbe ee warqaddan baan ku xusi doonaa si kooban sida qalabka codadka lagu farshaxameeyo u shaqeeyaan. Si kastaba ha ahaatee Maxamed xaq ayuu u leeyahay fikirkiisa qof ahaaneed balse xaq uma laha inuu marin habaabiyo fikirka dadka ka aragtida duwan.
Midda labaad Maxamed waxa kale oo uu tusaalayaal u soo qaatay arrimo kale oo lagu faafiyey warbaahinta isaga oo la xidhiidhinaya beesha deegaanka SSC in ay falkeen. Tan laftigeeda run iyo beenteeda cidda samaysay lama caddayn karo iyo ulajeedooyinka laga lahaa. Maxamed wuxuu si dadban u bannaynayaa in beesha SSC aanay aayahooda ka tashan karin oo si kasta oo suuro gal ah lagu hoos keeno maamul beeleedka “Somaliland”. Taasina waxay la mid tahay wada tashan mayno, kalana tegi mayno.
Mudane Maxamed waxa kale oo uu miciin biday sida aanay caqli gal u ahayn in qof qariib ah, oo aanay garanayn madaxda ‘Somaliland’ ugu warrami karaan balse su’aashaas miyaanay ku habboonayn in la waydiiyo madaxda maamulka ‘Somaliland’? Xaggee buu Maxamed cuskan doonaa haddii qaar madaxdan ka midi yidhaahdaan waanu ku fashilanay shirqoolkan? Arrintani weli waa ugub oo baxnaanin bay u baahan tahay, war jiraaba cakaaruu iman inuu hadalka ku soo koobo baa u badbaado badnayd balse Maxamed ma haleelin.
Haddaynu u soo noqonno nuxurka waraysiyada masuuliyiinta ‘Somaliland’ bixiyeen waa marka aynu dhan iska dhigno dhab iyo dhayal ahaantooda’e; waxaa xaqiiqa ah in sida ay odayaashu u hadleen tahay sida dhabta ah ee ay fagaarayaashaba ka sheegaan, falalka maamulku ka sameeyo deegaamada SSC-na waraysigani sii xoojinayo. Ina Kaahin, Taani,  Waraabe, Cadami, Siilaanyo iyo kuwo kaleba wax cusub kuma aysan soo kordhin isle’egta siyaasadeed ee gobolada waqooyi ka jirta. Maxaa yeelay waynu wada ognahay in beelaha waqooyigu iskaga soo horjeedaan fikirka siyaasadeed. Falalka is huwan ee aan ku ekayn barakicinta, xadhiga maatada, dilalka kediska ah, iyo cabudhinta maamulka ‘Somaliland’ ka wado deegaamada SSC waa mid khatar ku ah xasiloonida Soomaaliya gaar ahaan gobolada waqooyi. Waa ayaandarro inaynu ku luminno tamarteenna run iyo been ahaanta waraysiyada Sirta  SSC-du Heshay halkii aynu ka wada shaqayn lahayn sidii dadka inta hadhay aynu u kala badbaadin lahayn. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...