Friday, 25 March 2011

Faroole iyo Sahal Service Maxaa kala heysta (Madaxweynaha ayaa cambaareeyay midkamid ah Adeegyada casriga ah ee ugu isticmaalka badan Puntland)


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 25 March 2011 01:50

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal dheer oo uu mudo bil ah dalka uga maqnaa ayaa ka hadlay arimo badan oo quseeya xaalka Soomaaliya kuwaas oo ay kamid ahaayeen abaaraha dalka kajira,amnidarada,burcad badeeda & arimo quseeya koonfurta Soomaaliya oo weli sii holcaysa.

Madaxweynaha Puntland oo xaaladaha qaarkood ka hadalkooda ku dheeraaday ayaa si kulul uga hadlay isticmaalka adeegsa Sahal ee casriga ah kaas oo ah mid kamid ah kuwa ugu isticmaalka badan adeegyada dalka kajira kaas oo ay dadku taleefoonadooda gacanta u isticmaalaan keydinta lacagta & ku dukumaysigaba,waxaana uu madaxweynuhu sheegey in adeegaasi uu dhibkiisa wato islamarkaasna uu ka qeybqaato amnidarada dalka kajira.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud wuu si gaar ah hadalkiisa ugu soo qaatay in dagaalkii ugu danbeeyey ee ay dawladiisu la gashay burcadii haysatay qoyska Danishka ah ee ay dawladiisu guul daradu ka raacday uu adeegaasi ka qeybqaatay islamarkaasna ay dawladiisu khubaro dhanka isgaarsiinta ah & madaxda shirkadaha ahba kala tashan doonto adeegan & khasaarihiisa,waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladiisu ay ka fiirsan doonto isticmaalka Sahal.

Adeega Sahal oo ah adeeg siweyn usoo shaacbaxaya labadii sano ee u danbaysay ayaa ah mid ay isticmaalaan ku dhawaad 90% dadka gudaha ee Puntland kaas oo waxbadan ka fududeeya habka isticmaalka lacagaha walow ay dadku mararka qaarkood ku dhaliilaan in shirkadaha isgaarsiintu ay faa’iido doon ahaan u sameeyeen adeegan,waxaase hadalka madaxweynuhu uu u egyahay mid uu guul daradii ciidamada Puntland dusha uga tuurayey adeegan,waxaase dadku ay isweydiinayaan hadii adeega Sahal ay dawlada imika jirta ee Puntland ay joojiso sida ay taasi ku suurtoobi karto maadama ay dadku la qabsadeen shacabkuna baahi badan uu ka hamuun tiray.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

1 comment:

Mohamed said...

Faroole waa nin noocma ah???
Waxaan qiyaasayaa misana aaminsanahayba in ninkani yahay reer baadiye aanan waxba baranin, taasoo uu ku doonaayo inuu bulshada dhexdeeda ka gadmo ama ka dhexmuuqdo, balse ka dhexmuuqashada noocan ahi ma ahan mid sumcad leh ee waa mid ceybteeda leh.
Marka Farooloow good luck hana lagu arko sxb.

Igana raali ahow fekerkeyga ayaan ka hadlaye

By Mohamed

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...