Monday 21 March 2011

http://www.amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4004:khasaara-isugu-jira-dhimasho-iyo-dhaawac-oo-ka-dhashay-guryo-ku-gubtay-magaalada-beled-weyne&catid=48:wararka

In kabadan 4 guri oo kuwa Carshaanta ah ayaa maanta ku basbeelay Xaafada Sheekh Suleymaan Nuur oo ku taala  galbeedka magaalada Beled weyne ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.

Dabkan oo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa baaba’iyay Guryo ay ku noolaayeen dad danyar ah, iyadoona inta la ogyahay  ay mashaqadaasi ku geeriyootay gabar yar oo 4sano jir ah.
Ciidamo ka tirsan Xisbada magaalada Beled weyne ayaa gaaray halka ay guryahay ku bas beeleen, waxayna Ciidamada Xisbada oo ay wehlinayaan Booyado dabka dambiya ku guuleysteen inay dambiyaan dabka.
Boqollaal ka tirsan Shacabka ku dhaqan magaalada Beled weyne ayaa iyana ka qeyb qaatay  daminta dabka maanta ka kacay Xaafadda Sheekh Suleymaan ee bartamaha magaalada Beled weyne.
Magaalada Beled weyne oo ay ku yaalaan guryo badan oo ka sameysan Carshaan ayaa waxaa marararka qaarkood ka dhasha dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, iyadoona taasi loo aaneynayo qoysaska ku nool guryahaasi oo aan taxadar ah dheeraad muujin dabka ay  ka dhex shitaan guryaha dhexdooda marka ay raashiinka karsanayaan.
Amiir Nuur  Media, Beled-weyne
amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...