Friday 18 March 2011

Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Jen. Axmed Geeddi Cirfiid oo diiday inuu dib u qabto xilkaas (Warbixin)

Jen. Axmed Geeddi Jimcaale (Cirfiid) oo ka mid ahaa Afartii Taliyeyaal ee Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed horaantii todobaadkii hore xilka ka qaaday ayaa diiday isku day mar kale Madaxweyne Shariif ku doonayay inuu dib ugu magacaabo.

Warar ku dhow dhow Jen. Jimcaale Cirfiid ayaa sheegaya in ragg saraakiil iyo odayaal loo diray Jenanka uu ku gacan seyray inuu xilkaas dib ugu soo laabto, kadib markii Madaxweynaha uu ka dalbaday inay ku soo qanciyaan.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in Madaxweynaha uu diyaariyay Taliyeyaasha cusub ee bedeli lahaa boosaska Taliyeyaasha Nabadsugida, Asluubta iyo Booliska, hase ahaatee wali aan la heyn qofka loo magacaabi doono booskaas.

Jen. Jimcaale Cirfiid ayaa hada si KMG ah u sii haya xilkiisa, iyadoo markii hore ay jireen in Taliyuhu ka cabanayay fara gelin xaga ciidamada ah oo uu Madaxweynaha ku lug lahaa tan iyo markii uu soo saldhigtay Xarunta Villa Baydhabo oo saldhiga Ciidamada Xooga dalka.

Madaxweyne Shariif ayaa hada raadinaya shaqsiga ugu haboon ee uu u dhiibi karo xilkaas, kadib markii sida la sheegay uu diiday codsigiisa ahaa inuu xilkaas dib ugu soo celiyo Jen. Cirfiid, inkastoo wali dadaalo ay socdaan.Wararka ayaa intaa raacinaya in Taliyeyaasha xilalka loo wado qaarkood ay yihiin ragg dhowaan qurbaha ka yimid, kuwaasoo markii ay dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho soo dhoweyn loo sameeyay.

Seefta wada qaaday taliyeyaashan ayaa ujeedkeeda ahaa mid si dad badan ugu socotay Taliyihii Nabadsugida Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ahaa gacanta midig ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana xil ka qaadistiisa Madaxweynuhu u adeegsaday siyaasad aan caadi aheyn, markii uu dhamaan Taliyeyaashii oo idil uu xilalka ka wada qaaday.

Jen. Maxamed Sheekh ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeedinayay intii uu hayay xilka Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, hase ahaatee xil ka qaadistiisa ayaa dhadhan u yeeshay dagaalka ka dhaxeeya Madaxweyne Shariif iyo jaalkiisa hore Shariif Xasan oo aheyd fariin gaar ugu socotay xil ka qaadistaas.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...