Thursday 10 March 2011

Madaxweynaha Soomaalia oo ku qaabilay Villa Baydhabo Danjire Mahiga (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta ku qaabilay Villa Baydhabo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga.
Ujeeddada booqashada Ergayga gaarka Mudane Mahiga iyo wafdigiisa balaaran  ayaa waxay ahayd in ay muujiyaan taageerada buuxda ee ay Qaramada Midoobay u hayaan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan guulaha laga gaaray sugidda amniga dalka.
Danjire Mahiga ayaa u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed in uu la yaabay dhulka baaxada weyn uu Madaxweynaha shalay lugta ku maray mudo afar saac ah, mar uu booqasho Madaxweynuhu ugu tagey ciidamada jiidda hore.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheikh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ayaa waxaa ay ka wada- hadleen xilliga kala guurka ah, haylka dowladeed ee Soomaaliya yeelanayso kaddib Agosto 2011 iyo muddada saddexda sano ah ee Barlamaanka kororsaday taas oo Ambassadorku  uu walaac- weyn ka muujiyay.
Ambassador Mahiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed u sheeegay in bulshada caalamka taageersan tahay howl galka dowlada iyo AMISOM ka wadaan dalka Soomaaliya.
Waxaa noo soo gudbiyey qoraalkaan
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...