Monday 14 March 2011

Mujaahidiinta oo dagaal kula wareegay Isgoyska Kalbeyr ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.

Ciidamada melliteriga Mujaahidiinta ayaa maanta gelinkii dambe waxay dagaal kula wareegeen Isgoyska Kalbeyr ee gobolka Hiiraan, iyadoona sidoo kale Ciidamada Mujaahidiintu ay dagaal kula wareegeen deegaanka Buusaar oo ku yaala duleedka degmada Ceel waaq ee wilaayada Gedo.
Haddii aan ku horeyno Dagaalkii  cuslaa ee galabta ka dhacay gobolka Hiiraan, Cutubyo ka tirsan Ciidamada melliteriga Mujaahidiinta ayaa waxay weerar kadis ah ku qaadeen Maleeshiyaad Axmaaro kal kaal ah oo ku sugnaa Isgoyska Kalbeyr.
Dagaal culus oo socday ku dhawaad hal saac ayaa halkaasi ka dhacay, waxaana Ciidamada Mujaahidiinta ugu dambeyn usuura gashay inay la wareegeen Isgoyska Kaleyr oo ah mariin muhiim a islamarkaana saldhig u ahaa Ciidamada Itoobiya inkasta oo aysan  Itoobiyaanka aysan ka qeyb qaadan dagaalkii maanta.
Xiriiro aan la sameynay Taliska melliteriga ee Shabaabul Mujaahidiin ayay ku xaqiijiyeen inay gacanta ku dhigeen Isgoyska Kalbeyer, balse waxay ka gaaabsadeen inay tafaasiil dheeraad ah bixiyaan.
Dhinaca kale Dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq ee wilaayada Gedo ayaa waxaa Ciidamada Mujaahidiinta dagaalkaasi kadib  ay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Buusaar oo ku yaala duleedka degmadaasi.
Ilo wareedyo ku sugan wilaayada Gedo oo ay soo xiganayso Shabaakadda Amiirnuur Media waxay xaqiijinayaan in Ciidamada Mujaahidiinta ay Caawa ku suganyihiin duleedka degmada Ceelwaaq, iyada oo jab culus la gaarsiiyay Maleeshiyaad dalka Kenya lagu soo dhaqan xumeeyay ee dhawaan gacanta ku dhigay degmadaasi kadib markii ay kasoo insixaabeen Ciidamada Mujaahidiinta.
Waxaa aad u adag in tafaasiil dheeraad ah laga helo dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq, maadama dadkii rayidka ahaa ay gebi ahaanba isaga barakaceen magaaladaasi kadib soo gelitaankii Maleeshiyaadka Cadowga ah.
Si kasta oo ay arrintu ahaato saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Taliska mellliteriga ee Mujaahdiinta inay ka warbixiyaan dagaalladii maanta ka dhacay wilaayada islaamiga ee Gedo iyo wilaayada Hiiraan.
Amiirnuur Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...