Sunday 13 March 2011

Press Release Maakhir Advocacy Council



maakhir.advocacy@gmail.com
Sunday, March 13, 2011

The Puntland Administration held a press conference in the town of Galka’yo in Mudug region on March 8, 2011. Deputy Chief of Puntland Police Forces, Colonel Muhiyadin Ahmed Muse, stated that four (4) men had been arrested in the village of Alhamdulilaah, which is 18 km from Dhahar on March 6, 2011. The Deputy Chief added that two (2) other men had been arrested in the mountains of Galgala on the same day.
Colonel Muse announced that among the six (6) men arrested, all hailing from the Maakhir regions (Sanaag, Haylaan and Western Bari), was Abdishakur Said Mohamed, brother of Sheikh Mohamed Said Mohamed aka “Sheikh Atam”. These men are currently incarcerated in the Bosaso jail.
They were arrested by Puntland Intelligence Services (PIS) Officer, Ali Dahir Ahmed Salah Aynab, whose sole qualification to hold this position is the fact that he is married to the daughter of the Governor of Nugal region, where current President Farole hails from, and also where the capital city of Puntland is located.
According to local residents who know Abdishakur Said Mohamed, he is a 28 year old young man who does business in Puntland. He is not part of the militia fighters that are in the mountains of Galgala. His only crime is being the brother of Sheikh Atam. Upon arresting him, PIS Officer Ali Dahir Ahmed Salah Aynab, did not charge him with any crime but repeatedly stated: “You are Atam’s brother!”
PIS Officer Ali Dahir Ahmed Salah Aynab works closely with Puntland’s Vice-Minister for Security, Abdi Jamal Osman Mohamed Samatar. These two men were part of Sheikh Atam’s militia during the Majiyahan incident in which Puntland Forces and local armed men clashed. Sheikh Atam’s militia at the time claimed they were defending their homeland from foreign mining companies that were directly linked to the then Puntland President Adde Muse.
Recently, Vice-Minister Abdi Jamal Osman Mohamed Samatar lost two of his brothers in target assassinations in the town of Bosaso. Colonel Ahmed Hussein Haji “Dhoonge”, in charge of Biyokulule Police Station in Bosaso and Ali Mohamed Gurhan, Mayor of Galgala were both killed by masked men in Bosaso.
While we strongly condemn any form of violence in which lives of people are lost, we also like to point out that Vice-Minister Abdi Jamal Osman Mohamed Samatar has been on a rampage incarcerating hundreds of innocent young men. He is taking direct orders from Puntland Interior Minister, Gen. Abdullahi Ahmed Jama “Ilko Jiir”.
Vice-Minister Abdi Jamal Osman Mohamed Samatar, while avenging the death of his brothers, has been arbitrarily arresting and torturing innocent young Maakhiri men. The jails of Puntland are brimming with over 400 young men that hail from Maakhir regions.
In his last sweep, he arrested people who are victims of the severe drought who came to the cities and towns of Puntland looking for food and shelter. He has also jailed a group of young men, who came into Bosaso to sell frankincense, as well as farmers selling their produce in the markets of Bosaso.
In 2010, during the clashes between Puntland and Sheikh Atam, President Farole in a press conference declared his forces had apprehended Jama Ismail Du’ale “Jaamac Doonyaale”. He was later assassinated by PIS forces while incarcerated in Bosaso. Therefore, we directly appeal to the Puntland Administration to ensure the safety of its prisoners.
In closing, we would like to advise all Puntland officials that it is imperative that they release the innocent Maakhiri people that have filled the jails of major Puntland towns. We will shortly release the names of over 400 Maakhiri people wrongly detained.
The Maakhir Advocacy Council would like to notify all Puntland officials that have foreign passports and that are currently committing crimes against humanity in their official capacity, that we will be seeking justice on behalf of all people that have been unjustly killed, tortured, raped, arrested and wrongly displaced from their homes.
Maakhir Advocacy Council
Sunday, March 13, 2011
Maakhir Advocacy Council (MAC) is an organization that is comprised of both local and Diaspora Maakhir communities. The aim of the MAC is to seek justice on behalf of Maakhiris that face human rights abuses in all regions of Somalia and abroad.


Bayaan War Saxaafadeed
Maakhir Advocacy Council
maakhir.advocacy@gmail.com
Axad, Maarso 13, 2011

Maamulka Puntland ayaa war saxaafadeed ku qabtay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug taarikhdu markay ahayd 8da Maarso, 2011. Gaashaanle Sare Muxyadiin Axmed Muuse oo ah Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska ee Puntland ayaa goobtaas ka sheegay inay kusoo qabteen tuulada Alxamdulilaah oo u jirta Dhahar 18 km, afar (4) nin maalintii Axadda ee 6da Maarso, 2011. Wuxuu intaas ku daray, in isla maalintaa laga soo qabtay labo (2) nin buuraha Galgala.
Gaashanle Sare Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in lixdaas (6) nin oo ka soo wada jeeda deeganka Maakhir (Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari) uu ku jiray nin la dhashay Sheekh Maxamed Siciid Maxamed (Sheekh Atam) oo la yidhaahdo Cabdishakuur Siciid Maxamed. Raggaas oo idil waxay iminka ku xidhan yihiin xabsiga Boosaaso.
Waxaa soo qabqabtay dhallinyaradaasi sarkaal ciidanka Puntland Intelligence Services (PIS) oo la yidhaahdo Cali Daahir Axmed Saalax Caynab, oo jagadaan aan ku muteysan khibrad iyo aqoon. Cali Daahir Axmed Saalax Caynab wuxuu qabaa gabadh uu dhalay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal sidaas ayuuna shaqada ku helay. Sida aan la wada socono waa gobolka uu ka soo jeedo Madaxweyne Faroole waana gobolka magaala madaxda Garoowe ay xaruun u tahay
Wararkaan ka helnay dad aqoon u leh Cabdishakuur Siciid Maxamed ayaa sheegaya inuu yahay nin da’diisa ay tahay 28 jir oo ka ganacsada deeganada Puntland. Ma aha nin ka mid ah maaleeshiyaadka ka dagaalama buuraha Galgala. Dembiga lagu haystana waa wada dhalasho oo ay wada dhasheen Sheekh Maxamed Siciid “Atam”. Sarkaalka PISta Cali Daahir Axmed Saalax Caynab markii uu soo qabtay Cabdishakuur Siciid, dembi kuma oogin aan ka ahayn ku soo celcelinta erayada ah: “Waxaad la dhalatay Sheekh Atam!”
Sarkaalka PISta Cali Daahir Axmed Saalax wuxuu aad ula shaqeeyaa Wasiir Ku-Xigeenka Amniga Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Samatar. Labadaa nin waxay ka mid ahaan jireen ciidaamada Sheekh Atam oo kula dagaalamay ciidamada Puntland deeganka Majiyahan. Maaleeshiyaadka Sheekh Atam waxay waagaas ku doodaayeen inay dhulkooda ka difaacayeen shirkado ajaanabi oo doonayay inay macdanta qotaan oo weliba la sheegay inay xidhiidh toos ah la lahaayeen Madaxweyne Cade Muuse oo markaas Puntland ka talinayay.
Waxaa dhawaan lagu toogtay magaalada Boosaaso labo (2) nin ee walaalo yihiin Wasiir Ku-Xigeen Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Samatar. Gaashaanle Sare Axmed Xuseen Xaaji “Dhoonge” oo ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Biyokulule iyo Cali Maxamed Gurxan oo ahaa Duqa Magaalada Galgala ayaa rag afduuban ku dhex toogteen magaalada Boosaaso.
Waxaan cambaareynaynaa fal-dambiyeed walba oo sababa in naf lagu waayo. Saas ay tahay marna raalli kama nihin inuu Wasiir Ku-Xigeen Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Samatar uu xabsiga u taxaabo boqolaal dhalinyaro ah aan wax la taaban karo oo dembi ah lagu hayn. Waxaynu ka war heynaa inuu Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Samatar si toos ah amar uga qaato Janaraal Cabdulaahi Axmed Jaamac “Ilko Jiir” oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland.
Wasiir Ku-Xigeen Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Samatar isagoo u aaraya walaalihiis ayaa ka dambeeya xidhitaanka iyo ciqaabta ah silic-dilidda loo geysanayo dhallinyaradaasi. Xabsiyada ku yaala magaalooyinka Puntland, ayaa waxay la ciirciirayaan dhallinyarada reer Maakhir ee sida xaq-darrada ah laysaga xidhay.
Cabdi Jamaal waxaa xataa ka fakan waayay masaakiinta miyiga ka yimi oo abaarta soo waxyeelaysay oo magaalooyinka Puntland kusoo hayaamay iyagoo raadinaya daryeel xagga raashinka iyo hoyga. Sidoo kale wuxuu xidhay rag dhallinyaro ah oo magaalada Boosaaso beeyo iib ah keenay iyo dhallinyaro beeraleey ah oo iyagana qudaar suuqa Boosaaso keenay.
Sannadkii 2010, markay isku dhaceen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Sheikh Atam, Madaxweyne Faroole wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay inay qabteen Jaamac Ismaacil Ducaale “Jaamac Doonyaale”. Waxaynu ognahay in wax yar ka dib la toogtay isagoo dawladda Puntland u xidhan.
Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dawladda Puntland in aysan ku xad-gudbin xaquuqda caalamiga ee u degsan daryeelka maxaabiista.
Gabagabadii, waxaanu leenahay Maamulka Puntland iyo kuwa xilka ka hayaa, waa inay soo daayaan dhallinyarada reer Maakhir oo xidhxidhan ee aan wax dembi ah gelin. Waxaynu dhawaan soo gudbin doonnaa magacyada dhallinyarada xidhxidhan oo kor u dhaafaya 400 oo ruux, aan ilaa iyo hadda wax cadeymo ah lagu hayn.
Maakhir Advocay Council waxay wargelinaysaa inta xilka ka haya Maamulka Puntland oo baasabooro dalal kale ah haysta, oo weliba sameynaya falal ku xad-gudub xaquuqal-insaanka iyagoo xil u haya Maamulka, inaan u doodi doonno xaquuqda shacabka si gardaro ah loo dilay, loo gumaaday, loo silciyay, loo kufsaday, loo xidhay iyo looga barakiciyay guryahoodi.
Maakhir Advocacy Council
Maakhir Advocacy Council (MAC) waa urur ka kooban Jaaliyadaha reer Maakhir dal iyo dibaddaba. Ujeedada MAC waa inay u helaan garsoor xaq ah dadka reer Maakhir oo loo geysto xad-gudubyo ka dhan ah xaquuqal-insaanka dalka iyo dibaddaba.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...