Monday 7 March 2011

Qarax loo maleenayo inuu ismiidaamin ahaa oo caawa ka dhacay nawaaxiga Hotel Wehliye

Qarax xoog leh iyo rasaas ayaa goor dhoweyd oo caawa laga maqlay Hotelka Wehliye oo ku yaal Jidka Maka Al-Mukarama, iyadoo hotelka ay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana jira warar sheegaya in qofka watay qaraxa miino uu doonayay inuu la galo Hotelka, iyadoo rasaas kadib la maqlay.

Qof goob joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu watay ninka, kadibna inta uusan goobta gaarin ay qaraxday waxyaabo qarxa oo uu gacanta ku sitay, si uu ugu galo Hotelka.

Sidoo kale goob joogayaasha aya sheegaya in ninka watay waxyaabaha qarxa qaar ka mid ah jirkiisa oo qeyb ay la tagtay qaraxa miino uu yaalo banaanka hore ee Hotelka.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo sawaxankiisa laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo bartilmaameedku ahaa Hotelka ay degan yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka,

Ilaa iyo hada lama soo sheegin wax qasaare ah oo ay geysteen qaraxaas, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan qaraxa,

La soco wixii ku soo kordha




Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com
  Mahad on March 07 2011 ·

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...