Saturday, 12 March 2011

Shabaab oo La Wareegtay Deegaanka Diif iyo Raskaambooniyiinta oo u Baxsaday Dhinaca Kenya

Muqdisho (RBC) Ka dib dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Diif oo ku taalla xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa xarakada Shabaab waxay galabta la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Dagaalkan oo maanta qarxay ayaa u dhexeeya ciidamada Al Shabaab iyo kuwa Raaskaambooniyiinta oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaan [Sheekh Axmed Madoobe] oo horey uga tirsanaan jiray ururkii Xisbul Islaam ee burburay.
Wararka aya sheegaya in ciidanka Shabaab ay duulaanka ku qaadeen dhinaca Diif oo ay horey u joogeen ciidamada Raaskaambooniyiinta halkaasina uu ka dhacay iska horimaad culus oo sababay khasaare culus.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 24 ruux ay ku geeriyoodeen dagaalkan tiro intaa ku dhowna ay ku dhaawacmeen, iyadoo sidoo kale uu jiro khasaare baabuur la gubay ah.  Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid h oo deegaanka ku noolaa.
Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa dib ugu ruqaansaday dhinaca xuduuda Kenya halkaasoo ay u baqo carareen markii dagaalkan lagaga awood roonaaday.
Shabaabka ayaa difaacyo culus ka sameystay hareeraha Diif ee xiga dhanka Xuduuda iyadoo xaaladu galabta degan tahay sida ay wararku nagu soo gaarayaan.
Dadkii ugu tirada badnaa ayaa isaga cararay deegaanka Diif kuwaasi oo u gudbay dhinaca Kenya iyagoo ka firxanaya dagaalkan ka qarxay deegaankooda.
Ciidanka Raaskaambooniyiinta ayaa sheegta inay xulufo la yihiin DKMG ah oo dagaal kula jirta Shabaab, waxaana dagaalkan uu qeyb ka yahay dagaalada ka socda gobolada dalka.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...