Sunday 20 March 2011

Taliska Dhexe ee Mujaahidiinta oo ka warbixiyay dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmada Dhoobley (DHAGEYSO)

Taliska melliteriga ee Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbixiyay dagaalo culus oo xalay gelinkii dame ilaa saakay barqadii ka socday degmada Dhoobley oo ku taala xad beenaadka wilaayada Jubbooyinka ay la wadaagto dalka Kenya. Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo goordhow la hadlayay warbaahinta islaamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada meliteriga wilaayada Jubbooyinka ay dhabarka ka jabiyeen Ciidamo Keynyaati ah iyo Maleeshiyaad Murtadiin ah oo saakay soo weeraray magaalada.

Waxa uu sheegay Afhayeenku in Ciidamada Mujaahdiinta ay sii dabo joogaan firxadka Maleeshiyaadka iyo Ciidamada Kenyaatiga ee weerarka kusoo qaaday degmada Dhoobley.
Dhinca kale Sheekh Abuu Muscab waxa uu sheegay in Ciidamada Kenyaanku ay degmada Dhooley ku garaaceen Madaafiic waaweyn gaar ahaan nooca loo yaqaano BM-ka, wuxuuna xusay in dad badan oo rayid ah ay ku shahaado qaateen duqeyntaasi.
Halkan ka dhageyso Warbixintii  Sheekh Cabdicaziiz

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...