Arrintaan ayaa waxaa la gu ogaaday tirokoobka todobaadalahaa oo uu RBC Radio ka samayso todobaad walba dhamaanba gobolada wadanka Soomaaliya.

Inta la ogyahay Shilkaasi gaari ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 7 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 8 ruux oo kale.
Maalinimadii Jimcaha oo ay taariiqdu ku asteeneed mar,4, Dagaal ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho
1 Ruux ayaa ku geeriyooday 4 kalana way ku dhaawacmeen dagaalka xoogana ee ka dhacay maaalada Muqdisho.
Maalinimadii Sabtiga oo ay taariiqdu ahayd mar,5 Qarax ayaa waxa uu ka dhacay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Ilaa iyo 3 ruux ayaa ku dhaawacantay kharaasi sida uu sheegayo wariyaha RBC Radio ee magaalada gaalkacyo.
Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ahayd mar,6. qarax ayaa waxa uu ka dhacay isgoyka Soabe ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 5 ruux sida la sheegayo.
Isla Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ahayd mar,6. Al-Shabaab ayaa 2 nin waxa ay ku toogteen magaalada Muqdisho waxa ayna sheegeen in labadaasi ruuxba ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan dowlada KMG..
Maalinimadii Isniinta ahayd oo ay taariiqduna ahayd Mar,7. dagaal ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.
Inta la ogyahay ilaa iyo 5 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaalka dhexmaray labadaan dhinac.
Maalinimadii Talaadada . oo ay taariiqdu ku aadaneed Mar,8, mgaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu dilay sargaalkii ugu sareeyay laanta danbi barista ee maamulka Soomaaliland kaasi oo lagu magacaabi jiray maxamuud Maxamed Xersi.
Maalinimadii Arbacada oo ay taariiqdu ahayd ,Mar,10, Duqayn xoog leh ayaa waxaa lagu garaacay xaafadaha magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 ruux oo kale.
Marka laga soo tago deegaanada iyo magaalooyinka ay rabshadaan waxyeelada sababay ay ka dhaceen ayaa waxaa jiray meelo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya oo iska nobdoonaa todobaadkaan oo aysan ka dhicin wax rabshadaa.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment