Sunday 13 March 2011

Wiil uu Dhaley Majaajiliistihii Weynaa ee Aw-Kuukuu oo Xalay lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (RBC) Koox dabley ah oo aan la garan heybtooda ayaa xalay gurigiisa ku khaarajiyey Alle ha u naxariistee wiilkii labaad ee uu dhalay Majaajiliistihii weynaa ee Soomaaliyeed C/laahi Amiir Rooble oo ku magacdheeraa [Aw-Kuukuu].

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Abshir C/laahi Amiir Rooble ayaa deganaa xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana sida warku sheegayo gurigiisa ugu dhacay rag madaxa soo duubtay oo bastoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo guriga ku soo jebiyey kadibna toogtay Abshir Alle ha u naxariistee.
Nuurto Abaliisha oo ah hooyada dhashay wiilka isla markaana ahayd xaaskii uu ka geeriyooday Aw-Kuuku oo saxaafada gudaha u warantay saaka ayaa sheegtay in wiilkeeda ay u soo dheceen niman hubeysan xalay abaare 1:00 habeenimo kadibna ay toogteen iyagoo isla markiiba goobta ka baxsaday.
Nuurto Abaliisha waxay intaa ku dartay inuu jirey digniino iyo hanjabaado horey dhowr loogu soo direy wiilkeeda Abshir oo ay u soo direen rag uu garanayo ayna ku dhihi jireen “waan ku dileynaa” waxayna sheegtay inay u maleyneyso in dilkani uu daba joogo digniintaasi.
Sida ay sheegtay Nuurto wiilkeeda wuxuu hawlwadeen ka ahaa shirkad maxalli oo korontada siisa xaafadaha KM-4 iyo Waabari waxayna tibaaxday in muran arimaha korontada la xiriira uu jirey kaasoo loo maleynayo inuu salka ku hayo dilkiisa.



Marxuumka la dilay ee Abshir Aw-Kuuku ayaa ah nin dhalinyaro ah, waxaana horey sidan oo kale toogasho loogu diley wiil isaga ka yaraa Axmed Aw-Kuuku oo sanad ka hor ciidamada DKMG ay dileen agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.



Waxayna ciidamada dawlada dilkaasi u aaneeyeen in wiilkaasi uu xiriir la lahaa xoogaga xarakada Shabaab.



RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...