Monday 11 July 2016

Al-Shabaab oo weerartay xarunta Laanta Buuro


al-shabaab-twitter
Muqdisho (RBC Radio) Dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar xooggan ku qaaday xarunta ciidamada dowladda ee deegaanka Laanta Buuro oo ka tirsa gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Goob-joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta weerarka inuu ku bilowday qarax u muuqday inuu fuliyay qof is-miidaamiye ah,marka kaddibna waxaa dhowr jihi xarunta ka soo weerarray dagaal-yahannada weerarka soo qaaday oo la sheegay inay u sura-gashay saldhigga ciidamada inay gudaha u galaan.
Dagaal muddo saacado ah socday ayaa ka dhacay xerada, waxaana war ka soo baxay ururka al-Shabaab lugu sheegay inay weerarka ku dileen soddomeeyo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.
Ilo madax banaan ayaa laga soo xigtay dhimashadu inay soo gaartay dhigacyadda dagaallamay ee ciidamada dowladda iyo dagaal-yahannada al-Shabaab,tiro kale ayaa sidoo kale weerarka ku dhaawacan-tay.
Dagaallamayaasha al-Shabaab ayaa xilli dambe isaga baxay xarunta ciidamada dowladda,iyagoo halka ka kaxeystay dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah oo saldhigga ku xareysnaa.
Dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin weerarka ay al-Shabaab ku qaaden saldhigga muhiimka u ah ciidamada ee deegaanka Laanta Buuro.
Al-Shabaab ayaa bishii Maarso sidan oo kale weerar ugu soo qaaday xarunta ciidamada ee deegaanka Laanta Buuro,waxaana waqtiga ay kala baxeen xarunta hub badan iyo gaadiid ay ciidamadu lahaayeen.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...