Monday 11 July 2016

Magaalooyinka waaweyn ee k/Africa oo soomaalida ku soo badanayaan


 
319
 
0
SHARE 
K/Africa(SONNA)-Dhalinyaradan Soomaalida ah ee kusoo badanaya Dalka K/Afrika sanadihii ugu dambeyay oo dhibaatooyin kala kulma ganacsiyada Tuulooyinka ay u badanyihiin dadka madowga ee K/Afrikanka ayaa waxaa mudooyinkan dambe ay kusoo badanayeen Magaalooyinka gaar ahaan Xaafadaha Soomaalida,waxaana shaqooyinkooda u badnaa Tagsiyada u kala goosha magaalooyinka Pretoria iyo Johannseburg oo qiyaastii isu jira 60 km,waxeyna badanaa Tagaasiyadan qaadaan Soomaali.
Warbaahinta Qaranka oo la kulantay qaar ka mid ah Dhalinyaradada Wadayaasha Tagaasida waxa ay sheegeen in markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka u badan dilalka inay Magaalooyinka ka raadiyaan nolol maalmeedkooda.
C/raxmaan Xaaji Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa sheegay in uu isaga tagay kadib boob dhowr jeer loo geystay dukaankiisa.
” Waxaan ka mid ahay dhalinyarada Tagaasileeyda magaalada Pretoria,waxaan horay u lahaa ganacsi waan isaga soo cararay kadib markii la iga boobay waxaana magaalada u joogaa inaan ku badbaado”ayuu yiri.
K/Afrika Soomaalida soo gasho waxaa u badan dhalinyaro da”dooda u dhaxeysa 25 ilaa 35 jir waxayna ka shaqeyaan ganacsiyada qatarta badan ee Tuulooyinka dadka la dilo waxa ay u badanyihiin dhalinyaro Shaqaalo ah.
WD:C/qaadir Axad,Pretoria

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...