Saturday 9 July 2016

Culimada Soomaaliyeed Oo Ku Baaqay Dibadbax Looga Soo Horjeedo Weerarkii Masjidka Nabiga NNKH


 
369
 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay Bayaan ay ku cambaareynayaa Weerarkii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Barakeysan Ee Madiina Al-Munawara, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay fal Khawaarij-nimo.
Bayaanka Culimada, ayaa sidoo kale lagu cambeerayay weeraradii kale ee ka dhacay Boqotooyada Sacuudi Carabiya iyo dalal kale oo ay kamid yihiin Yaman, Ciraaq. Turkiga, iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood ay sheegeen in ay yihiin wax aan Diinta Islaamka ku banaaneen.
Sidoo kule Culimada Soomaaliyeed, ayaa Maalinta Isniinta Ku Baaqay in la isugu soo baxo banaanbax looga soo horjeedo falalkaasi, iyagoo ku baaqay in guud ahaan caalamka si isku mid ah looga soo horjeesto falalka ku talaxtagista diinta islaamka ee ka dhacaya meel kala duwan oo caalamka kamid ah.
Halkaan Ka Daalaco Bayaan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.
HALKAN KA AKHRISO BAYAANKA HAY'ADDA CULIMADA SOOMAALIYEED EE QARAXII QABRIGA NABIGA NNKA

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...