Saturday 9 July 2016

Axmed Madoobe: Qabyaaladda inta ay ka jirto Soomaaliya-lagama adkaan doono al-Shabaab


Ahmed Madobe speaks after being re-elected, in the southern port town of Kismayu August 15, 2015. REUTERS/Abdiqani Hassan
Kismaayo (RBC Radio) Dhibaatadda ka jirta Soomaaliya ayaa sii socon doonta illaa inta ay Soomaalida qabyaaladda adegsanayaan,sida uu qabo madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay,xarunta madaxtooyadda Kismaayo,Arbacadii shalay waxuu sheegay qabyaaladda ka jirta Soomaaliya inay hor-taagan tahay dowlad-nimo xooggan iyo dhismaha ciidamo qaran,marka waxuu ku tilmaamay qabyaadda ‘Asnaam’ ay dadka Soomaaliyeed caabudaan – Inta ay qabyaaladu jirtana aan laga adkaan doonin al-Shabaab.
Axmed Madoobe,waxaa kalo hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ugu baaqay dadaalka badan ee ay galinayaan siyaasada in loo weeciyo dhismaha ciidanka qaran, Wuxuuna soo jeediyey qorista ciidanka in lugu saleeyo hab-deegaan.
Wuxuu ku baaqay in Saraakiil cusub oo qabyaalada ka madax banaan bud dhig looga dhismaha ciidan Qaran oo ay Soomaaliya yeelato. Isagoo ku tilmaamay Saraakiisha duqowday in ay saameyn ku yeelatay qabyaaladu isla markaasna.
“Waxaan u baahanahay saraakiil yaryar oo hadda waxbaratay oo niyad fiican leh oo saafi ah oo xor ka ah qabiilka in la helo”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Sidoo kale,wuxuu walaac ka moojiyey darajooyinka ciidamada. Wuxuuna sheegay in aysn jirin wax tixraaca ah oo lagu garan karo darajada ciidamada laga safay xiligii burburka.
Soomaaliya waxaa ay bur-bur ku jirta wax ka badan labataan iyo shan sanno,waxaana dhibaatooyinka daba dheereeyay burburka lugu sheega qabyaalada inay ugu horreyso,maaddama dhibta dalka ka dhacaya ay geysanayaan dad Soomaali ah.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...