Sunday 10 July 2016

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amni darada ka jirta Muqdisho u sababeeyay hubka oo an wali la xakameyn (Dhagayso)


2015117635824841752555847IMG_9995
Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in amni-xumada ka jirta Muqdisho loo sababeyn karo hubka oo an wali la xakameyn.
Waxuu sheegay inay jiraan ciidamo hubeysan oo iska dhex socda magaalada ,taasina ay keentay hubka oo an gacanta dowladda ku jirin,taaso uu ku sheegay inay fursad u tahay dadka nabadda wax u dhimaya.
Guddoomiyaha gobolka,waxaa inta ku darey in dagaallamayaasha ka tirsan al-Shabaab ay isku ekeysiiyaan ciidamada dowladda,markaasna ay weerarro ka fuliyaan meelo kala duwan oo ka tirsan Muqdisho.
“Cidamada Milateriga ee aagagga dagaalka ku sugan iyo kuwii kasoo laabtay ayaa soo wada-galay magaalada, Waddamada Qaarna sidan oo kale way ka dhacdaa, balse waxay adag tahay in la xakameeyo hubka,” ayuu yiri duqa Muqdisho.
Duqa Muqdisho,waxaa kalo uu sheegay in xerooyinkii lagu xareyn jiray ciidamada dowladda la burburiyay, taasna ay keenayso in marka ay ciidamadu ka yimaadaan furumaha dagaalka ay magaalada soo galaan, maaddam aysan jirin xeryo ay galaan.
Waxaa uu sheegay in baabuurta hubeysan ee magaalada mara aan la baarin, taasna ay keeni karto in askarta tuutaha wadata la isu ekeysiiyo, sidaasna Al-Shabaab ugu soo gambadaan sida uu yiri.
Weerarro toos ah ayaa inta badan lugu qaada goobo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho,waxaana fuliya ururka al-Shabaab oo dagaal-yahannada ka tirsan an laga dhex aqoonsan karin ciidamada.
Dowladdii dhexe ee Soomaaliya,markii ay bur burtay waxii ka dambeeyay hubka waxuu ahaa mid ay adegsan karan cid walba,taaso keentay inan la koontarooli karin cida hubka qaadaneysa iyo ciidamada.
Hoos ka dhageyso guddoomiyaha G Banaadir

Audio Player

__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...