Sunday 10 July 2016

Puntland: Dilalka ka dhaca Gaalkacyo bannaanka lagama soo abaabulo (Video)


201655635980291464627893Wasiirka_Amniga_Puntland_Qarjab_660
Gaalkacyo (RBC Radio) Wasiirka amniga iyo taliyaha booliska Puntland ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay dilalka joogtada ah ee ka dhaca Gaalkacyo inaysan ahayn kuwa ay wada fuliyaan al-Shabaab ama banaanka laga soo abaabulay.
Taliyaha booliska Puntland,Cabdiqaadir Shire Faarax(Erag) waxuu sheegay inusan hubin dilalka ka dhaca Gaalkacyo boqolkii kontan inay fuliyaan ururka al-Shabaab.
Waxuu ku sheegay waxa ka socda Gaalkacyo inay yihiin barakicin la doonayo dadka Gaalkacyo ku nool inay isaga qaxaan magaalada,isagoo marka kula taliyay bulshada inay ilaashadan deegaankooda iyo naftooda.
“Waxaan leeyahay ma hubo boqolkii kontan,waxa wax laaya inay Shabaab-yihiin,”ayuu yiri. “Gaalkacyo waxa ka socda waa barakicin,haddii gurigaaga laga saaro waa nasiibka,Guryaha waa la idinka saaraya Shabaab-na ma aha,guryihiina,deegaankii iyo naftiina ilaashada,”.
Wasiirka amniga Puntland,Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo isna xoojiyay hadalka taliyaha waxuu sheegay dadka fulinaya dilalka ka dhaca Gaalkacyo inaysan ahayn kuwa banaanka uga yimaado oo ay diyaaraddo magaalada keenan,waxuuna marka u sheegay bulshada in looga bahan-yahay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen soo qabashada dadka fulinaya dilalka.
Waxuu tusaale usoo qaatay wasiirka dilkii allaha u naxariste,Sheekh Cabduqaadir ee ka dhacay magaalada Garoowe oo ay dad shacab ah gacanta ku dhigeen ruxii dilka fuliyay.
Illaa afar ruux oo hal-door u ahaa bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa lugu dilay labadii bil ee ugu dambeysay,waxaa bishii Ramadaan dhacay saddex dil,mana jirto cid dilalka loo soo qabtay illaa hadda.
Hoos ka daawo taliyaha booliska iyo wasiirka amniga hadalkooda

__
RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...