Tuesday 12 July 2016

Wafdi ka socda urur Goboleedka IGAD oo gaaray Magaalada Beledweyne


 
117
 
0
SHARE 
Baladweyne (SONNA)-Sida ay SONNA u sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaa goor dhow Magaalada Beledweyne gaaray wafdi uu hoggaaminayo Danjiraha IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.
Wafdiga waxaa Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Gobolka, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka wafdiga ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalo ay la furayaan waxgaradka Hiiraan, iyaga oo kala hadlaya arrimo la xiriira dhismaha Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa shirka Jowhar.
Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa in ay la fariistaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana qorshahoodu uu yahay sidii reer Hiiraan ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
W/D:-Muxudiin MMC

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...