Tuesday 1 March 2011

Abuu Mansuur "Markii dagaalada ay ku fashilmeen ayay is qab qabsi dhexdooda bilaabeen"

Kuxigeenka Amiirka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya Gobolada dalka, isagoo sheegay inay fashilmeen duulaanada qorsheysan ee ay soo qaadeen waxa uu ugu yeeray Cadawga.

Isagoo ka hadlayay Tuulo la yiraahdo Gal-barwaaqo oo ka tirsan degmada Garbahaareey, halkaas oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo Ra'iisul Wasaare Farmaajo, ayaa sheegay in tuuladan ay ugu magac dareen Tuulada Jihaadka, maadaama uu sheegay inay Gurmad badan ka baxeen.

"Sidaad aragtaan Tuuladan waxay mujaahidiinta u bixiyeen Tuulada Jihaadka, waayo Gurmad fara badan ayaa ka baxay"ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in la iska dhiciyo waxa uu ugu yeeray kuwa duminaya Shareecada Islaamka.

Abuu Mansuur ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalada ay soo qaadeen Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay doonayaan inay ku damiyaan nuurkii farxada muslimiinta ee shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

"Markii ay dagaalada ku jabeen ayay waxay bilaabeen is eed eed oo ah adigaa dagaalka qaaday iyo adigaa xabada bilaabay, marka waa fashilmeen, dagaalada ay ka soo qaadeen Hiiraan, Galgaduud, Gedo iyo meelo Muqdisho ka mid tahay dhamaantood waxaa ka raacay jab, meydadkooda wadooyinkee daadsan yihiin"ayuu intaa ku daray Abuu Mansuur.

Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa booqasho ku maraya Sheekh Fu'aad Shongole iyo Abuu Mansuur, iyadoo socdaalkooda la xiriiro dhiira gelinta Ciidamada Shabaab oo dagaalo kula jira kuwa Dowladda KMG.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ay tageen degmada Beledxaawo, halkaas oo ay hadal ugu jeediyeen dadka deegaanka iyo ciidamada difaaca ku jirta, iyadoo xilligii ay ku sugnaayeen degmada lagu garaacay madaafiic.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...