Tuesday, 1 March 2011

Dowlada KMG oo Sheegtay goobihii ay Al-Shabaab kala wareegtay in dadkii horay kaga barakacay ay haatan dib ugu soo laabteen

Muqdisho RBC Radio) Wasiirka Gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa waxa uu sheegay in dowlada KMG Soomaaliya in ay dagaaladaan ay ugu talagashay in goobaha ay ka saarto Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan dadkii markii hore ka barakacay.
Wariirka ayaa waxa uu sheegay in goobaha ay haatan la wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay dib ugu soo laabtaan dadkii horay kaga barakacay guryahoodii.
Waxa uu sidoo kale uu sheegay in dagaalada ay dowlada KMG Soomaaliya ay guulo balaaran ka gaartay isla markaana ay gobo badan ka qabsatay Al-Shabaab.
Wasiirka gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab hadii ay ku sii biirayaan dowlada Soomaaliya in aana wax dhibaato ah loo geesan doonin.
Waxa uuna tilmaamay hdii dagaalyahanada Al-Shabaab hadii ay ku soo biiraan dowlada in lago lsiindoono.
Hadalka Wasaiirka ayaa waxa uu imaanayaa xili ay dagaalo xoogan mudooyinkaan ay ku dhexmarayeen magaalada Muqdisho ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyo xoogaga Mucaaradka ee Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...