Tuesday 22 March 2011

Afhayeenka Shabaab oo Beeniyey in Dagaalkii Maanta Dhul Looga Qabsaday

Muqdisho (RBC) Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Xarakada Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyey in dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho dhul hor leh looga qabsaday.
Afhayeenka oo shir jaraa’id qabtay maanta kadib markii saraakiisha DKMG ay sheegteen guulo ay ka gaareen dagaalka ayaa wuxuu sheegay inay iska difaaceen weerar xoogan oo kaga yimid dhinaca ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom.
“Waxay naga soo weerareen labo jiho oo kala ahaa Boondheere iyo Hodan oo ay soogeliyeen ciidamo fara badan Alle mahadiis waana jebinay dib ayeyna u carareen, waxayna ka tageen meydadkoodii”, ayuu yiri afhayeenkaasi u hadlay Shabaab.
Dagaalka saaka oo ahaa weerar ay qaadeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Amisom ayaa ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Boondheere, waxayna saraakiisha DKMG sheegeen in labada qeybood ay horumar muuqda ka sameeyeen dagaalka.
Dawladu waxay sheegtey in ciidankeedu gaareen illaa xaruntii degmada Boondheere oo ay Shabaabku joogeen halka dhanka kalana ay sheegeen inay la wareegeen isgoyskii suuqa Bakaaraha oo ka mid ah meelaha Shabaabka aadka u difaacan jireen.
Dhanka khasaaraha dagaalkan uu geystey waxay dhimashadu gaareysaa 10 ruux oo u badan dhinacyada dagaalamay, halka dhaawacuna 11 ka badan yahay sida aan ka helney goobaha caafimaadka.
Ka sokow sheegashooyinka labada dhinac, ma jirto wax warar madax banaan oo laga hayo goobaha saaka dagaaladu ka dheceen.
Xaalada Muqdisho ayaa galabta degan iyadoo ay joogsadeen dhawaqii rasaasta iyo madaafiicda ee la maqli jirey.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...