Saturday 5 March 2011

Afhayeenka Taliska Melliteriga Ciidamada Mujaahidiinta oo Caawa ka warbixiyay dagaalladii maanta ka dhacay Muqdisho iyo Beled-Xaawo.(Dhagayso)

Saturday, 05 March 2011 20:06

amiirnuur.comTaliska Melliteriga Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Caawa waxa uu faah faahiyay dagaalladii cuslaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo degmada Beled-Xaawo ee wilaayada Gedo. Sheekh Cabdalcaziizs Abuu Muscab Afhayeenka Taliska Melliteriga Mujaahidiinta  ayaa warbaahinta la hadlay waxaana ugu horreyn uu faah faahiyay dagaalladdii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu Afhayeenku sheegay  in Walaal ka tirsan Mujaahidiinta uu ALLAH u suura geliyay inuu  Camaliyad Istish-haadi ah ku bur buriyo dhufeyso adag oo Gaalada Buruundi ay ka sameysteen qeybo ka tirsan Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay dhawaan la wareegeen. Camaliyaddaasi kadib ayaa Sheekh Abuu Muscab waxa uu sheegay inuu dhacay dagaal culus oo saacado badan socday kaasi oo ka dambeeyay kadib markii Geesiyaasha Towiidku ay xoog ku galeen gudaha W/Gaashaandhigga.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Wasaaraddii Gaashaandhigga ay hadda qeyb ka mid ah ku go’doonsanyihiin Gaalada Buruundi, halka qeyb kalena ay ku suganyihiin Ciidamada Mujaahidiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Saacadaha soo socda dhegaha Shacabka Muslimka ah ay soo gaari doonaan Bishaarooyin farxad leh.
Sheekh Abuu Muscab waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday dagaalladii adkaa ee maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee wilayada Gedo.
Waxa uu Sheekhu xusay in dagaalkaasi uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka ay xoog ku soo galeen gudaha magaalada Beled-Xaawo saakay waabarigii islamarkaana ay Xeelad dagaal magaalada Uga baxeen Ciidamadii Mujaahidiinta ee ku sugnaa, waxaana Afhayeenka uu carrabka ku dhuftay in Ciidamada Mujaahidiinta ay ku suganyihiin meel aan sidaas uga fogeyn magaalada Beled-Xaawo.Halkan Ka Dhageyso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...