Saturday 5 March 2011

Ciidamo iyo Saraakiil Itoobiyaan ah oo Dhusamareeb soo gaaray.

Saturday, 05 March 2011 20:31

amiirnuur.comIyadoo ay fashil ku dhawyihiin abaabullo ay cadawga Itoobiya iyo Kenya kasoo sameeyeen gobolada dhaca Xad beenaadka ayay Maleeshiyaadka Mushrikiinta Galguduud cadaadis xoogan kala kulmayaan dowladda Kirishtanka Itoobiya.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Dhusamareeb ayaa sheegay in caawa halkaasi ay soo gaareen ciidamo iyo Saraakiil Itoobiyaan ah si ay Mushrikiinta ugu cadaadiyaan in ay dagaallo ku qaadaan fariisimada Mujaahidiinta.
Dad ku sugan magaalada Dhusamareeb ayaa soo sheegay in magaalada ay soo galeen ciidan wata sagaal gaadiidka dagaalka ah iyo saraakiil waxayna kulamo la leeyihiin hogaamiyaaha Mushrikiinta.
Sida wararku sheegayaan Itoobiyaanka magaalada soo gaaray ayaa dejinaya qorshayaal ay ku dagaal geliyaan Mushrikiinta, sidoo kale ciidan Itoobiyaan ah ayaa gaaray Tuulooyinka Xeraale iyo Balanballe halkaasi oo ay abaabulo ka wadaan.
Mushrikiinta oo ku jabay dagaallo muddo sanada ah ka socday Galguduud ayay markale Dowladda Itoobiya dooneysaa in ay halaag lugaha u geliso, saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in shirqoolka Itoobiya waddo ay fashiliyaan ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Galguduud.

AmiirNuur Media
amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...