Saturday 5 March 2011

Suldaanka Guud ee Beesha Midgaha(Hawle) oo Jigjiga Lagu Xidhay

Madaxweynaha “ismaamulka Soomaalida Ethiopia” Cabdi Illey oo adeegsanaya hoggaanka nabad galyada “Ismaamulka Soomaalida Ethiopia” Cabdillaahi Ethiopian ayaa amar ku bixiyey in xabsiga loo taxaabo Suldaanka Guud ee beesha Hawle, Suldaan Shaqalle Suldaan Cali Dheere taariikthu markay ahayd February 11, 2011.  Suldaanka waxaa lala xidhay nabaddoon Mukhtaar Mohamed iyo Nabaddoon Amiin Cumar oo ay isku hayb yihiin.

Xadhigga xorriyadda looga qaaday Issimmadaa sharafta iyo xaq-dhawrka mudan, sida aadanimmada iyo “dimqoraayadda” ka baxsanna loola dhaqmay,  waxau la mid yihiin tacaddiga ula kaca loogu tunto xaquuqdooda iyo sharaftooda beesha Hawle iyo ayagoon wali loo caddayn sababta loo loo xirdhay iyo cidda ay u xidhan yihiin, toos ayey uga hor imaanayaan dhammaan qodabada ku xusan Cutubka saddexaad (Chapter Three) ee dastuurka u degsan Dawladda Federalka “Dimqoraadiga” ee Ethiopia gaar ahaan qodabada:
Qaybta 1aad: Xaquuqda Bani Aadannimo : Qodabada  14, 16-21, 24-27
Qaybta 2aad : Xaquuqda Dimqoradinimo : Qodabada 29-33, 37, 40, 43

Xidhaga bidhi-mageydada Beel weynta Hawle Qaasim waxuu ka mid yahay xad gudubyada arxan la’aanta ah, tacaddiyo fool xun ee uu joogto ugu wax-yeelleeleeyaan madaxda “Ismaamulka Soomalida Ethiopia”, hormuudna uu ka yahay Madaxweynaha “Kiliilka 5aad” iyo kuwa uu ku adeegto ay haybta la wadaaga.  Tacaddiyadaa waxaa ka mid ah, kumase koobna kaligood, kuwaan soo socda:

§  Beesha Hawle in qori caariddi looga kala daadiyey shirweyne ay uga wada tashan lahaayeen horumarinta beesha dhinaca dhaqaalaha, shaqada iyo tacliinta. Shirkaa oo fasax qabashadiisa uga heleen jihooyinka ay khuseyso, dawladduna u diyaarisay goobtii lagu qaban lahaa shirkaa.

§  Qurbajoogtoodii shirkaa ka soo qayb gashay, una yimid “dalka Ethiopia”, gaar ahaan degaanka Soomaalida in ay maalgalin ku sameeyaan, waliba ayagoo madaxweynaha Kaliilka 5aad oo ay America ku kulmeena u ballan qaaday soo dhaweyn iyo taageero iyo in uu shirweyhana beesha Hawle ka soo qayb galayo, lagu weeraray hoteeladii ay degganaayeen, qaar ka mid ahna loo masaafuriyey Somaliland ayagoo sharci Ethiopian haysta – dhacdadani waxay dhacday markii cabbdi Iley ka soo laabtay safar uu ku tegey Maraykanka, gaar ahaan Minnesota oo uu qurbajoogta u sheegay in uu soo dhaweynayo in ay maal gashadaan “Kililka 5aad”

§  In si aan qaanuunka adduunka iyo kan dalka Ethiopia waaqaqsanayn loogu masaafuriyey Somaliland 11 nin ee isugu jira kuwa Jigjiga ku dhashay iyo kuwa degaanno kale ee “Ethiopia” ah ka yimid, lana geeyey magaalada Allay Baday ayagoo haysta sharci “Ethiopian ah ee saxa”.

§  Dhulka magaalada Jigjiga ku fadhido qaar ka mid ah iyo dhul beeraadka magaalada Jigjiga ku hareereysan badidiisa waxaa iska leh ee manaafacaadsada beesha Hawle Qaasim.  Mashaariicda waaweyn ee lagu horumarinayo magaalada Jigjiga sida garoonka diyaaradaha Jigjiga, dhulka ay ku fadhiyaan Biyaxireenka weyn, jaamacadda Jigjiga iyo suuqa xoolaha iyo kuwa la mid waxay ahaayeen beero Hawle manaafacaadsado. Markii lagala wareegayey lama siin qiimaha beelaha kale “dawladda gobalku” dhulkooda ka siiso.
§   
http://somalitalk.com/web/wp-content/uploads/2011/03/cabdiiley.jpg

§  Madaxda Gobalka 5aad si joogto ah ayey boobtaa dhulal Hawle ku leeyihiin magaalada Jigjiga gudaheeda. Dhul boobkaana waxaa ugu caansanaa, dhul uu boobay madaweyne hadda “Ismaamulka Soomaalida” xukuma Cabdi Illey, xilliguu ahaa hoggaanka nabad-galyada gobalka Soomaalida.  Dhulkii koobaad markuu ku xalaaleystay, ayaa beesha Hawle kii labaad u diiddey.  Dagaal hub la isu adeegsadey ee beesha Hawle iyo bileyska Jigjiga dhex maray ka gadaal ayaa dawladda Federalka Ethiopia soo dhex gashay, maxkamad ayaana dhulkaa u xukuntay xubnihii lahaa ee Hawle Qaasim.

Haddaan nahay bulshada guud, Issimada, Cuqaasha, dadweynaha iyo Qurbajoogta Hawle Qaasim ee deggan Ethiopia gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan:
1.    Waxaan cambaareynayaa xadgudubyada beesha Hawle lagula kaco oo dhan.
2.    Waxaan Dawladda Dhexe ee Dalka Ethiopia ka codsaneynaa, in ay baarto uu wax ka qabato xad-gudubyada beesha Hawle maamulka gobalka Soomaalidu kula kaco, kuwaas oo ka baxsan soohdinta dimqoraadiyadda, xorriyadda iyo cadaaladda ka baxsan.
3.    Waxaan dawladda ismaamulka Soomaalida Ethiopia ka codsaneynaa in shuruud la’aan lagu sii daayo Suldaanka Guud ee beesha weynta Hawle iyo nimanka la xidhan, raalligalin iyo magdhowna “Ismaamalka Soomaalida” ay ka bixiyaan xorriyadooda gardarrada looga xuyuubiyey ayadoo ayan jirin wax ay galabsadeen.
4.    Waxaan marlabaad dalbanaynaa in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo Suldaan Shaqalle Suldaan Cali Dheere,  nabaddoon Mukhtaar Mohamed iyo Nabaddoon Amiin Cumar oo xiran laga soo bilaabo February 11, 2011.

La xiriir: Mohamed  Kuul,  freehawlesuldaan@gmail.com

1 comment:

Anonymous said...

I do not even know how I ended up here, but I thought this post was great.
I don't know who you are but certainly you're going to a famous blogger if you are not
already ;) Cheers!

Look into my blog :: get redirected here

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...