Wednesday 23 March 2011

Augustine Mahiga oo Booqasho aan La Shaacin ku Yimid Hargeysa (Arinta Sool oo Miiska Saaran)


 
Hargeysa (RBC) Ergeyga Qaramada u Qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga isla markaana ah madaxa xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa maanta socdaal aan horey loo sii sheegin wuxuu ku yimid magaalada Hargeysa.
Socdaalka Augustine Mahiga ee Hargeysa ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya kuwaasoo ka yimid magaalada Nairobi.
Saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa ku soo dhaweeyey garoonka Hargeysa, waxayna xukuumada Somaliland sheegtey in Mahiga uu joogi doono Hargeysa mudo labo maalmood ee soo socota oo ay wada hadalo yeelan doonaan masuuliyiinta Somaliland.
Warar ku dhow socdaalka Mahiga oo RBC Radio heley ayaa sheegaya in ergeyga uu masuuliyiinta la yeelan doono wada hadalo ku saabsan arinta Sool iyo Sanaag oo maalmihii u dambeeyey dagaalo culus ay ka dheceen kadib markii ay iska horyimaadeen dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.
Wararka aanu heleyno ayaa intaa ku daraya in ergeygu uu walaaciisa ku aadan sida ciidamada Somaliland ay u dileen dad shacab ah oo ku noolaa Kalshaale iyo Laascaanood u gudbin doono madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo la filayo caawa ama berito midkood inay is arkaan.
Socdaalkan ayaa ahaa mid aan horey loo sii sheegin taasoo sida wararka aan ku heleyno uu doortey ambassador Mahiga inuu kedis ku yimaado Hargeysa.
RBC Radio
Xafiiska warararka Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...