Wednesday 23 March 2011

Xaaji Cabdi Waraabe: Garaadada Dhulbahanate Ha Joojiyeen Dibad Wareegga iyo Qabyaaladeynta ay ku Guda Jiraan


 
Hargeysa (RBC) Xaaji Cabdi Xuseen oo ku magacdheer (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah golaha Guurtida Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday cuqaashada deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn isagoo ku eedeeyey inay ku hawlan yihiin arimo gaar looga dhigayo arimaha gobolka Sool, sida uu yiri.
Wareysi maanta lagu daabacay mid ka mid ah wargeysyada Hargeysa ka soo baxa ayaa Xaaji Cabdi Waraabe uu ku dhaleeceeyey bayaankii dhowaan ay soo saareen Salaadiinta gobolka Sool kaasoo ay ku baaqeen in gobolka Sool gebi ahaantiis laga saaro ciidamada Somaliland ee duulaanka ku qabsaday sanadkii 2007.
“Garaadada Dhulbahante waxaan leeyahay iska daaya dibad wreegg iyo qabyaaladeynta, bayaanka la leeyahay ciidanka kaga baxo Sool ma aha mid quman waqtigan”, ayuu yiri Xaaji Cabdi Waraabe.
Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidoo kale wuxuu eedeyn u jeediyey Garaad Saleebaan oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee ugu waaweyn beelaha Sool isagoo sheegay in Garaadku uusan ku socon arimo sax ah.
Garaad Saleebaan waxaa uu ka shaqaynayaa wax u munaasib ah maaha, rag badan oo u dhashay Somaliland ayaa dibadaha ku maqan laakiin wax la yiraahdo dhulka ha laga kaco Somaliland aqbali mayso, garaad Saleebaan aabihii-buu ka dhaxlay garaad-nimada, aabihii iyo awoowgiina waxay ka mid ahaayeen ragii guntinta u ahaa Somaliland xiligii ay madaxbanaanida qaadatay”, ayuu yiri Xaajigu.
Xaaji Cabdi Waraabe oo Hargeysa looga yaqaano “ninka ugu da’da weyn labada Gole” ayaa sheegay in gobolka Sool uusan marnaba noqon doonin gobol ka baxsan Somaliland, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in gobolkaasi dadka dega ay u dhasheen Puntland.
“Somaliland xuduud qadiimi ah ayey leedahay wax la oran karo ha lakala gooyana way ka wayn tahay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xaajigu.
Wuxuu sidoo kale Xaaji Cabdi Waraabe soo hadal qaaday dadaalada dib loogu xoreynayo gobolka Sool ee ay wadaan cuqaasha reer Sool iyo xubnaha qurbe joogta oo uu ku tilmaamay mid khaatumo xumo ah.
“Intii dadwaynaha aad u samayn lahaydeen wadooyin, biyo, iskuulo ee aakhiro, cimri baynu nahaye aad uga tagi lahaydeen dardaaran ayaad dariiq khaldan haysaan oo dibad wareeg noqoteen, rag dib jir noqdana ma tihidiin, adeerayaalow danta dalka iyo dadka garta, Alle-na ha idin garansiiyo”, ayuu yiri Xaaji Cabdi Waraabe.
Hadalka Xaaji Cabdi Waraabe ayaa daba jooga bayaan guud oo dhowaan ay soo saareen Salaadiinta gobolka Sool kaasoo ay kaga hadleen xaalada gobolka isla markaana ku baaqeen in Somaliland ciidamadeeda ka qaadato gobolka, waxayna cuqaasha sidoo kale cambaareeyeen xarig iyo qabqabasho lagu hayo dadka deegaanka Laascaanood.
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...