Saturday 5 March 2011

Cabdirashiid Duulane oo Fadeexad kala kulmay Magalada Birmingham:

Cabdi Rashiid Duulane oo ah ninka Safaarada Ethiopia usoo wakiilatay sidii uu isaga horkeeni lahaa shacabweynaha Somalida Ogadeniya ayaa ku fashilmay shir uu ku qabtay magaalada Birmigham ee waddaka Ingiriiska. Shirkan ayaa yimid kadib markii laba nin oo ka mid ah Dabaqoodhiyiinta Doolka ah oo safaaraddu u xilsaartay inay ka hawlgalaan magaalada Birmigham ay ina Duulane u sheegeen inay u keeni doonaan shacab badan oo kasoo jeeda Somalida Ogadeniya, kuwaas oo  kusoo dhaweyn doona Magaalada Birmingham.

Cabdi Rashiid Duulane oo ay lasocdaan sirdoon ay Safarada Ethiopia kasameysay wadanka UK ayaa go'aansaday in shirkaas lagu qabto magalada Birmingham. Waxa kale oo Sirdoonka Safarada Ethiopia ay kuwargaliyeen Cabdirashiid Duulane in shirka laga qariyo shacabka Somalida Ogadeniya, Ogeysiisna aan lagu soo saarin shabakadaha Internet-ka ee u Adeega iyaga oo sheegay inay jirto cabsi badan oo ay ka qabaan Jaaliyadka Somalida Ogadeniya oo ay sheegeen inay kacdoon kasoo horjeeda ay wadaan. Waxa kale oo sirdoonka Safaarada Ethiopia ay bixiyeen waraaqo casuumado ah oo ay siiyeen qabaa'illada Somaliyeed, iyagoo u qoondeeyey inay qabiil kasta siyaan 20-40 warqadood. waxana la qorsheeyay in shirkan ay kasoo qeyb gallaan boqolaal shacabweynaha Somaliyeed ah.
Sidoo kale sirdoonka Safaarada Itoobiya waxa uu amar ku bixiyay in shirka madasha la kireynayo lagusoo kireeyo magaca Somaliweyn islamarkaasna ay adeegsadaan Magaca Jaaliyada Jamuhuriyada Somaliya ee Birmingham si aan loo garanin shirka la qabanayo cidda wadata ama inay ka danbeyso dowlada Ethiopia islamarkaasna looga gabado Jaaliyadka Somalida Ogadeniya.

Hadaba waxa shirkan oo aad looga taxadaray la isugu yimid aroornimadi 9:30 subaxnimo goobti shirka. Waxase aysan ogeyn Safaarada Ethiopia casuumada ay bixisay inayheleen dad u dhashay Somalida Ogadeniya oo eheladoodi ciidamada Ethiopia ku dishay dhulka Somalida Ogadeniya. Dadkaas oo si tartiib ah u galay shirka ayaa markii Cabdi rashiid Duulane hadalkii lagu soo dhaweeyay waxa wiil kamid ahi ku dhawaaqay ''Ina Duulanoow Beenaale ayaad tahay'', halkaas oo Cabdirashiid Duulane oo argagaxsani ku jawaabay ''addeer Wallaahi beenale ma ihi''. Wiilki ayaa inta uu soo kacay ku celceliyay "beenaale khaa'in ah ayaad tahay dadkiisa iyo dhulkiisana raba inuu iibsado''. Waxa dabadeeto hal mar hareeraha kaso booday dad badan oo ku dhawaaqaya ''Cabdi rashiidow Been ayaad Cillaahay u sheegtay'', iyo buuq badan iyo walxado lagu tuuray cabdi rashiid Duulane.

Waxa markiiba Cabdi Rashiid Duulane loola cararay dhinaca albaabka "Fire Exit-ka halkaas oo laga saaray shirkii. Waxa kale oo shirka markiiba ka dareeray shacabweynihii Somaliyeed ee shirka isugu yimid ee lagaso waday Magalada london iyo Midlandska.

Waxa markiiba shirka albaabkiisa kore isa soo tubay shacabweyne kaso jeeda Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan magaalada Birmingham oo halkaas ay Booliska midlandsku ku hor joogsadeen.

Booliska iyo masuliyiin kasocda Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Midlandska ayaa dabadeeto kuwada hadlay in Boolisku uusan shirkan joojin karin, islamarkaasna Booliska ayaa sheegay inaysan ogeyn ujeedada shirka, balse lagusoo wargaliyay in shirka ay soo weerarayaan dad kasoo jeeda Al-shabaab. Booliska kama uusan warheyn in shirkan uu yahay mid ay safaarada Ethiopia qabatay.

Waxa masuliyiinta jaaliyada Ogadeniya lagu wargaliyay in Cabdirashiid Duulane xaq u laheyn inuu ku qabto shir Meel ka baxsan safarada Itoobiya, sharcina uusan u heysan. sidaas awgeed Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee wadanka UK oo dad gaaraya 3000 oo qof warqad ay saxeexeen ayaa loo gudbiyay Dowlada wadanka UK, warqadaas oo lagu xusayo in Dowlada Itoobiya ay ka sameysatay wadanka UK sirdoon u adeega islamarkaasna shacabka Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadankan UK iska hor keena.

Waxa cabashadan loo gudbiyay xafiisyada qaabilsan amniga wadanka UK, waxana la rajeynaya in su'aalo laga weydiin doono Cabdirashiid Duulane iyo safaarada Itoobiya dhaqdhaqaaqa sirdoon ay ka bilaabeen wadanka UK.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...