Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah guutooyinkii Ciidamada Ethiopianka ee xalay soo gaaray degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa la soo sheegayaa inay u ruqaansadeen dhinaca degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku hayaan xarakada Al Shabaab. Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb oo ka gaabsaday in la magacaabo ayaa u xaqiijiyey RBC Radio in ciidamadii Ethiopian-ka ee xalay yimid Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin xerada 21AAD ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, hase yeeshee ciidamo kale oo ku hubeysan ku dhawaad 70 gaadiidka dagaalka oo xalay ku hoyday meel kudhow Dhuusamareeb ay u dhaqaaqeen dhinaca Ceelbuur.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment