Sunday 6 March 2011

DEG DEG: Shabaab oo Xoog Ku Galay Gurigii Imaamka Beelaha Mudulood Wixii Yaaleyna Qaatay

Muqdisho (RBC) Ciidamo ka tirsan xarakada Al Shabaab ayaa duhurnimadii maanta xoog ku galay guriga uu degmada Cadale ee Shabeelaha Hoose ku lahaa Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxauud Imaam Cumar.
Qof ku sugan degmada Cadalle oo na weydiistay inaan magaciisa la sheegin ayaa RBC Radio u sheegay in ciidamo fara badan oo ka tirsan Al Shabaab isla markaana watay baabuurta dagaalka ay yimaadeen guriga Imaamka oo ku yaalla duleedka degmada Cadalle, kadibna ay gudaha u galeen.
Dhowr ruux oo isugu jira rag iyo dumar guriga joogay qaarkoodna Imaamka ehelkiisa ah ayay ciidamada Shabaab xirxireen, waxayna isugu geeyeen qeyb ka mid ah guriga iyagoo markaa kadibna baaritaan ku sameeyey guriga, sida ilo wareedka magaciisa diiday uu noo sheegay.
Intaa kadib ayey ciidamada Shabaab bilaabeen inay rartaan matooro isugu jiray kuwa waraabka iyo kuwa dabka dhaliya oo guriga yaalay, waxay sidoo kale qaateen qoryo gacmeed guriga lagu ilaalin jiray.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar
Labo gaari oo kuwa yar yar ah oo guriga Imaamka yaaley ayaa sudoo kale la xaqiijiyey inay guriga ka qaateen ciidamadii Al Shabaab ee guriga Imaam Maxamud Imam Cumar galay maanta.
Lama sheegin wax dhibaato ah oo ay gaarsiiyeen dadkii guriga joogay ee qaarkood Imaamka eheladiisa ah, mana cadda inay siidaayeen iyo in kale maadaama weli guriga ay ku sugan yihiin ciidamada Al Shabaab.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka guud ee beelaha Mudulood oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa xaqiijioyey jiritaanka warkan wuxuuna sheegay in saacadaha soo socda uu faahfaahin ka bixin doono weerarka Al Shabaab ku qaadeen hoygiisa degmada Cadalle oo ah deegaanka uu Imaamku ka soo jeedo.
Dhacdadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo labo maalmood ka hor Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku sugan Muqdisho uu hadal ka jeediyey kulan lagu taageerayey ciidamada DKMG iyadoo Imaamku kulankaasi uu ku habaaray Shabaab, wuxuuna Imaamku ku eedeeyey Shabaab inay dadkii Soomaaliyeed nabada u diideen.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...