Sunday 6 March 2011

Malaayiin Lacag iyo Dahab oo laga helay Qalcadihii uu ka cararay Madaxweynahii Tuuniisiya Bin Cali (Daawo Video)

Written by Administrator   
Sunday, 06 March 2011 15:34

TV-ga Tunisia ayaa soo bandhigay arrin aad looga cajaa’ib oo ah in lacago noocyo kala duwan, dahab iyo maal aad u farabadan in laga helay qalcadihii ay ka carareen Madaxweynahii Tunisia, Bin Cali iyo qoyskiisa.

Waxyaabaha cajiibka badan waxaa ka mid ah in derbiyo loo ekaysiiyey maktabado oo lagu raseeyey Buugaag iyo kutub in gadaashooda ay ku qarsoonaayeen khasnado la ciir-ciiraya lacago aan caqligu qaadan karin, dahab nooc nooc ah, baasabooro iyo maal farabadan oo kala duwan.

Video Hoos ka daawo.

Hantiga Shacabka oo khasnado lagu xeraystay:

TV-ga Tunisia oo ka warbixinayey hantida ku kaysanayd qalcadihii uu ka cararay Bin Cali ayaa sheegay in lacagta halkaas ku kaysanayd iyo dahabka aan caqligu ogolaankarin, laakiin ku arka indhahiina, ayuu yiri TV-gu.

Madaxweynahii Tuuniisiya, Sayn Al-Caabidiin bin Cali (Zine El Abidine Ben Ali) oo dalkaasi xakumayey 23 sano (1987 ilaa 2011) waxa uu dalka ka baxay Janaayo 14, 2011, taas oo kadambaysay kacdoon shacab oo dhacay kaddib markii December 17, 2010 uu dab is-qabadsiiyey nin jidadka/dariiqa wax ku iibsan jirey oo magaciisa la oran jirey Mohamed Bouazizi, kaddib markii wixii uu dariiqa ku iibsanayey iyo alaabtiisii ay xoog uga qaday Minishiibiyada (Dawlada Hoose) isla markaasna ay si aad u xun ula dhaqantay haweenay ka tirsanayd Dawladda Hoose iyo gacan yarayaasheedii. Ninkaasi isagoo arrintaas ka carooday ayuu dabka is qabasiiyey, waxana uu dhaawacii ka soo gaaray dabka u geeriyoodey Janaayo 4, 2011, sidaas ayaa waxaa ku bilowday kacdoon sababay in uu dalka ka cararo Bin Cali.Daawo Video

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...